Sunday, June 5, 2016

Wada noolaanshihii dhaqamada iyo diimaha kala duwan oo khatar ku jirta

iska horimaadyada iyo khilaafaadka ummadaha sida caadiga ah waxay yimaadaan marka ay isku dhacaan danaha kala duwan ee aadanaha, kuwaasoo ku wada nool hal wadan ama hal magaalo, waxaana sababa arrimo siyaasadeed, kuwo diineed ama kala duwanaansho xagga nolosha iyo dhaqanka ah. Arrimahaan waxay abuuraan in bulshooyinkii mudada dheer soo wada noolaa, ee deriska iyo saaxibada ahaa ay wada noolaan waayaan, ka dibna qaar laga ceyriyo wadan ay ku dhasheen ama ay ku soo koreen, kaasoo ay rumeysan yihiin inuu yahay wadankooda.

Waxaa la yiraahdaa "taariikhdu dadkey rabtaa dunida waayaheeda", hadaba haddii aan dib u milicsano taariikhda bulshooyinkii laga soo ceyriyay wadan ay dhismihiisa iyo horumarkiisa wax ku lahaayeen, waxaan tusaale u soo qaadan karnaa, dad badan oo Yahuud iyo Muslimiin ah ayaa laga soo ceyriyay ama lagu dhibaateeyay meelo badan oo ka mid ah Yurub, Aasiya iyo Afrika. Kuwa ugu xusuusta badan waxaa ka mid ah xasuuqii Yahuuda loogu geystay Jarmalka iyo cadaadiskii iyo ceyrintii lagula kacay Muslimiintii ku nooleyd Isbeyn. Wadanka Isbeyn xataa waxaa la ceyriyay dadkii asalkoodu ahaa Muslimiinta laakiin qaatay diinta masiixiga, iyadoo lagu qoonsaday dhaqankooda oo ka duwan bulshadii ay la noolaayeen iyo iney khatar ku noqon karaan waxa loogu yeeray nabad gelyada qaranka. 

Meelaha dad Muslimiin ah laga soo ceyriyay ma ahan oo keliya waddamada reer galbeedka, wadanka kuweyd waxaa si toos ah iyo si dadban looga ceyriyay dad badan oo Falastiiniyiin ah, ka dib dagaalkii Ciraaq ku qabsatay Kuweyd. Dadkaan Falastiiniyiinta ah waxaa lagu maagay oo keliya, hogaamiyahooda Yaasir Carafaat ayaa taageeray Saddam Xuseen oo qabsaday Kuweyd. Markii Kuweyd la xureeyay ka dib, waxaa dadkaan loo geystay dhibaatooyin badan oo isagu jiray jirdil, biliqo iyo in shaqooyinka laga ceyriyo, taasoo loogu sii daray in ciqaamadaha iyo dhalashada muwaadinnimada lagala noqdo.

Dhacdo tan hore la mid ah, wadanka Yugaandha, markii uu talada la wareegay Al-xaaji Amiin Daada, waxaa laga eryay dad badan oo Aasiyaan ah, oo isagu jiray Muslimiin iyo kuwo diimo kale haystay. Qaar dadkaan ka mid ah waxay ahaayeen kuwo iyaga iyo aabayaashood ay ku dhasheen Yugaandha iyo kuwo haystay dhalashada Yugaandha. Waxaa intaas dheer, dadkaan wax mas'uuliyad ah kuma laheyn sababta loo ceyrinayay, qaar badan oo ka mid ahna ma rumeysneyn iney leeyihiin wadan kale oo aan ka aheyn kan laga ceyrinayo. Dadkaan waxaa lagu sanifay oo keliya meesha uu asalkooda ka soo jeeda iyo xagga dhaqaalo sameynta oo ay ku wanaagsanaayeen awgeed.

Is naceybka iyo is yasida waa dhaqan dadka lagu yaqaan, waxaase baasiinka ku shuba siyaasiyiin xukun doon ah iyo wax magarato dan gaaban leh. Maanta Yurub iyo meelo badan oo dunida ka mid ah waxaa halis ku jira wada noolaanshada dadka haysta diimaha iyo dhaqamada kala duwan. Halistaasna waxay ka imaaneysaa dhinacyo kale duwan, sida dhalinyada xambaarsan fikirka jihaadiga, kuwaasi oo weeraro ka geysanaya meelo badan oo dunida ka mid ah, gaar ahaan reer galbeedka. Qaraxyada iyo dilalka ay geystaan kooxahan xagjiriinta ahna waxaa laga dhigaa dhibaato ay wada geysteen Muslimiinta. Xisbiyada xagjiriinta midigta fog ee Yurub ayaa ah halis kale, kuwaasoo ah shisheeye diid, siyaasadahooda ay ku saleysan yihiin caadifad iyo naceyb wada socda, iyagoo naceybkaasna u isticmaalaya wado ay ku gaaraan xukunka. Sidoo kale, cilmaaniyiin edebdaran oo aan xilkas aheyn ayaa kiciya xiisado iyo is naceyb ay dad ku dhintaan, iyagoo ciyaar ka dhigta waxyaabaha ay qiimeeyaan dadka wax rumeysan. Kooxahan gefka badan ayaa ku dooda in fikirka xorta ah iyo xoriyada hadalka uu xaq u siinayo iney caayi karaan cidii aysan ka baqeynin. 

Sidaas daraadeed, fikirka ah in qofkasta heysto diintiisa iyo dhaqankiisa haddana la wada noolaado, iyadoo qofkasta lagu ixtiraamayo waxa uu rumeysan yahay waxaa soo food saartay halis, mana muuqato sidii lagu badbaadin lahaa. Tusaale, Soomaalida iyo Muslimiinta u soo haajirtay waddamada reer Galbeedka waxaa in mudo ah ku socotay gardaadin "saan yeelo yeel saanteyda raac" taasna waa shaqeyn weysay, waxaana ka marqaati furay in fikradaani guuldareysatay Angela Merkel iyo David Cameron, oo ah madaxda waddamada Jarmalka iyo ingiriiska, oo sheegay in fikrada wada noolaanshaha dhaqamada iyo diimaha kale duwan ay burburtay. Waxay yiraahdeen dadka Muslimiinta waxaa looga baahan yahay iney qaataan dhaqanka reer Galbeedka ee ku dhisan hab nololeedka furfuran ee diin la'aanta ah. Marka su'aashu waxay tahay, maxaa dhici kara haddii Soomaalida qaadan waayaan dhaqanka iyo hab nololeedka reer Galbeedka?

Waxaa iska cad iney xisbiyada xagjiriinta Yurub ay si gaar ah u weerarayaan Soomaalida, kuwaasoo hada noqday bartilmaameed jilicsan, oo qofkasta uu naceybkiisa kala dul dhaco. Marka waxaa dhici karta waxyaabo badan oo Soomaalida jecleysan. Waxaa sii xoogeysan doonta xeeladaha iminka la isticmaalo ee lagu argagax gelinayo kuwa Yurub ku nool iyo kuwa u soo socda. Xeeladahaas waxaa ka mid ah in la beegsado jaaliyadaha jilicsan sida Soomaalida, iyadoo laga qaadanayo caruurta si loo argagax geliyo oo ay uga cararaan wadanka ay markaas ku nool yihiin, tusaale, Soomaali badan ayaa ka guuray Holland iyo Norway, iyaga oo caruurtooda u baqaya, markii ay waddamadaas ku soo badatay cunsuriyada, waxayna badankooda u guureen wadanka ingiriiska, inkasta oo Yurub hadda cudurka cunsuriyada is wada qaadsiisay. 

Wadanka Iswiidhan waxaa laga maasufinayaa dad gaarayo sideetan kun oo qof, oo ah dadka ku guuldareystay iney helaan sharciga magangalyo doonka, dhinaca kale, waxaay soo saareen sharciyo ad'adag oo lagu yareynayo soogalootiga. Sidoo kale, Norway, waxaa hore u jirtay in la masaafuriyo dadka magangelyada loo diido iyo kuwa galay dembiyada, balse waxaa hadda soo siyaaday in Soomaalida lagala noqdo sharciyada iyo dhalashadii ay hore u heysteen, waxa lagu maagayona waa heyntooda iyo hab nololeedkooda oo ka duwan bulshoweynta kale. 

Jaaliyadaha aan ku milmin ama aan dhexgelin dadka ay u yimaadeen ma ahan Soomaalida oo keliya, balse waxaa inta badan la dabagalaa Soomaalida, waxaana dhici karta marka cabsida badato in qaar dadka ka mid ah iney bedelaan diintooda iyo dhaqankooda, si ay Yurub u sii joogaan, iyada oo aan la hubin iney xataa taas ku badbaadi doonaan. 

Haddii tan hore ay u shaqeyn weyso, waxaa xigi doonta in si cad dadka loogu sheego iney si iskood ah isaga baxaan waddamada Yurub iyaga oo la siinayo taageero dhaqaale. Habkaan uu qofku si iskiis ah ugu laabanayo wadankiisa horeba waa uga jirtay waddamada qaar, laakiin waxaa loo isiticmaali jiray oo keliya dadka codsiyadooda magangelyo doonka la soo diido, waxaase hadda dhici karta in qorshahaan la balaariyo iyo in dadka si wadar ah loo eryo iyada oo aan loo eegeynin qof ku dhashay Yurub iyo qof yimid ama qof sharci leh iyo qof aan sharci laheynba. 

Tan ugu daran, nasiib ayuu yeelan doonaa qofka la masaafuriyo ama la yiraahdo si nabad ah isaga bax, iyada oo aan wax la yeelin, laakiin waxaa dhici karta in dadka lagu qasbo iney isaga baxaan Yurub, taasoo ay ka dhalan karto tacadi iyo xadgudubyo badan, oo ah in qofka laga qaato hantidiiisa gaarka ah ama caruurtiisa xoog looga qaato ama naftiisa waxyeelo loo geysto. Marka waa muuqataa in wada noolaanshihii inuu god ku soo dhacayo, waxaana muhiim ah in la yeesho dareen iyo feejignaan badan, caruurta iyo dadka kale ee laga mas'uulka yahayna waa in loo sheego isbeddelada dhacayo iyo xaqiiqooyinka jira. 

Ugu dambeyn, Alle dabeecad uma ahan inuu sida boolis u soo fara geliyo marka uu dhib dhaco isaga oo haddana awooda, taasna waa dhaqan uu dadku leeyahay. Marka maanta Soomaalida waa bartilmaameedka jilicsan ee cunsuriyiinta, sidaas daraadeed, waxaa Soomaalida la gudboon iney go'aan ka gaaraan dhaldhalaalka Yurub yaal iyo badbaaddada naftooda midka ay u hiilinayaan, waayo waxaa lagu jiraa xili ummadaha kala dhaqanka iyo diimaha duwan ay u dhaxeyso is naceyb iyo is yasid ba'an.