Dhammaan ummadaha dunida, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed, ayaa si joogto ah diiradda u saara muhiimadda uu leeyahay qoyska, wadajirkiisa iyo dhowrida waxa uu aaminsan yahay qoyska. Talaabada ugu horeysa ee qoyskana waa ilaalinta, korinta iyo barbaarinta caruurta . Waxaan aaminsanahay ma jirto shaqo ka muhiimsan korinta carruurta si ay u noqdaan shakhsiyaad anshax leh, si loo helo bulsho caafimaad qabta.
Qoysaska Soomaaliyeed markii ay qurbaha yimaadeen waxay la kulmeen nolol iyo hab dhaqan cusub oo aysan hore u aqoon, taasoo noqotay dhib sidii ay ula qabsan lahaayeen xaalada cusub, dhibka ugu badanna wuxuu soo gaaray caruurta ku dhalatay ama ku kortay waddamada reer galbeedka.
Dhabaatooyinka caruurta soo gaaray waxaay isagu jiraan kuwo bulsho iyo kuwo diinta iyo dhaqanka la xiriira. Caruurta waxay ku wareereen sidii ay ula noolaan lahaayeen bulshada reer galbeedka oo aan laheyn, dareenka xalaasha iyo xaaraanta iyo dhinaca kale, waalidiinta oo caruurta u sawiraya in dhaqanka reer galbeedku yahay fasaad iyo shar, una sheega iney ka fogaadaan intii suuragal ah. Sidaas daraadeed, waxaa caruurta ku adkaatay sidii ay u ilaalin lahaayeen aqoonsigooda qof ahaaneed iyo sidii ay isagu dheelitiri lahaayeen isku dhafka dhaqammada iyo ku dhex milmida dhaqanka cusub, iyadoo aan laga tegin diinta iyo dhaqankii dhulka hooyo, taasna ma ahan mid u sahlan canug kasta, waayo caruurta waxay wax badan ka bartaan ama waayo aragnimo ka helaan guriga dibadiisa, waxaana noloshooda saameyn wayn ku leh bulshada, meediyaha iyo saaxiibada ay meel ku wada nool yihiin.
Sidoo kale, caruurta waxaa ka dhex guuxaya su'aalo badan, oo ku saabsan diinta iyo casriga ay ku nool yihiin. Inta badan su'aalaha ay caruurta qabaan waxay ka yimaadaan waxyaabaha ay ka daawadaan taleefishinada, ama ay ka akhristaan baraha bulshada ama su’aalaha saaxibadooda iskuulka ay weydiiyaan. Su’aalaha ay caruurta qabaan waxaa ka mid ah, Maxay tahay sababta aan muslim u nahay? Maxaan u noqon weynahay sida dadka kale? (macnaha kuwa aan muslimka aheyn). Maxaan u cuni weyn waxa ay cunaan dadka kale? Maxaa loo neceb yahay dadka muslinka ah? Maxay muslimiinta argagixiso u yihiin? Maxay argagixisada u dilayaan caruurta iyo dumarka? Gabdhaha waxaa u gaar ah su’aalaha xijaabka iyo waxa u diidaya guurka wiilasha aan muslinka aheyn.
Ma jirto caruurta cid uga jawaabta su’aalahaas, sababtuna waxay tahay waalidka oo aan laheyn aqoon ku filan ama aan u furfurneyn iney ka jawaabaan su’aalaha qaarkood. Marka ay caruurta ku celceliyaan su’aalahana waxay la kulmaan jawaabo sahlan sida, aniga ma aqaano iyo war naga aamus waxaas dhaqankeena iyo diinteeda ma ogolee, taasna waxay niyad jebisaa dareenka caruurta. Caruurtii markii ay dulduleelo badan ka heleen hab dhaqanka waalidiinta, waxay la yimaadaan dariiq kale, oo ay kula noolaan karaan bulshada ay wada nool yihiin, taasoo inta badan khilaafsan waxa ay waalidka rabaan ama rumeysan yihiin. Caruurta waxay noqdeen kuwo ku nool labo nolol oo kala duwan, taasoo ah tan guriga iyo tan dibada. Marka ay guriga joogaan waxay jilaan dhaqanka iyo waxa waalidka aaminsan yahay si ay waalidkood u qanciyaan, laakiin marka ay saaxibadooda la joogaan, waxay ku dhaqmaan waxa ay nolosha ka aamin yihiin. Waa muuqataa in caruurta waddamada reer Galbeedka ku nool in aysan badankood raaci doonin dhaqanka iyo diinta waalidkood haddii aysan waalidiinta wax ka bedelin hab dhaqankooda.
Haddaba su’aashu waxay tahay, maxaa ka qaldan waalidka Soomaaliyeed? Sideese lagu caawin karaa caruurta, si ay u noqdaan Soomaali iimaan leh, oo muwaadiniin wanaagsan ka noqda waddamada ay ku nool yihiin?
Waxa xusid mudan, iney waalidiinta Soomaaliyeed ilmaha ka qaadaan xoriyada diinta, tan lahaanshaha gaarka ah, tan doorashada guurka iyo xoriyada doorashada qaab nololeedka kale ee ay doonayaan, taasna waa waxa abuuray ismaandhaafka maanta ka dhex taagan caruurta iyo waalidka.
Waalidiintu waxay xaq u leeyihiin, sidoo kalena mas'uuliyad ka saaran tahay iney caruurtooda baraan waxa ay aaminsan yihiin, laakiiin xaq uma laha iney caruurta ku qasbaan diin aysan ku qanacsaneyn ama dhaqan aysan aaminsaneyn inuu wax ka tarayo noloshooda Waalidiintu waa iney ogaadaan in caruurtooda ku dhaqmayaan waxa ay caruurta kale ama saaxibadooda sameynayaan, suuragalna ma ahan iney ku barbaaraan waddamada reer Galbeedka iyaga oo iska indha tiraya dhaqanka ku wareegsan. Sidaas daraadeed, caruurta waxay ku korayaan dareenka xornimada diinta iyo in qofku doorto sida uu isagu u noolaanayo, taasna waa geesiyo weyn, oo aysan waalidiinku ka helin dhulka hooyo. Waan ognahay ma jiro waalid doortay inuu muslin noqdo ka dib markuu ku qancay diinta, laakiin bulshada ayaa ku shaabadeysa diinta waalidkiis heysto, xataa haddii uusan ku qanacsaneyn.
Sida runta ah hab dhaqankaas kama shaqeynayo Gableedka, waayo caruurtu waxay ku nool yihiin casri wax kasta laga doodi karo saxsanaantooda. Sidaas daraadeed, ma jiro waalid ogaan kara sida ay caruurtiisu isu bedeleyso, inta badanna ma jirto caruur samayso ama marto jidka waalidkood. Inkastoo ay waalidiintu jecel yihiin inay caruurtooda ku dayato iyaga.
Waalidiintu waxay xaq u leeyihiin, sidoo kalena mas'uuliyad ka saaran tahay iney caruurtooda baraan waxa ay aaminsan yihiin, laakiiin xaq uma laha iney caruurta ku qasbaan diin aysan ku qanacsaneyn ama dhaqan aysan aaminsaneyn inuu wax ka tarayo noloshooda Waalidiintu waa iney ogaadaan in caruurtooda ku dhaqmayaan waxa ay caruurta kale ama saaxibadooda sameynayaan, suuragalna ma ahan iney ku barbaaraan waddamada reer Galbeedka iyaga oo iska indha tiraya dhaqanka ku wareegsan. Sidaas daraadeed, caruurta waxay ku korayaan dareenka xornimada diinta iyo in qofku doorto sida uu isagu u noolaanayo, taasna waa geesiyo weyn, oo aysan waalidiinku ka helin dhulka hooyo. Waan ognahay ma jiro waalid doortay inuu muslin noqdo ka dib markuu ku qancay diinta, laakiin bulshada ayaa ku shaabadeysa diinta waalidkiis heysto, xataa haddii uusan ku qanacsaneyn.
Sida runta ah hab dhaqankaas kama shaqeynayo Gableedka, waayo caruurtu waxay ku nool yihiin casri wax kasta laga doodi karo saxsanaantooda. Sidaas daraadeed, ma jiro waalid ogaan kara sida ay caruurtiisu isu bedeleyso, inta badanna ma jirto caruur samayso ama marto jidka waalidkood. Inkastoo ay waalidiintu jecel yihiin inay caruurtooda ku dayato iyaga.
Si ku dayasho waxtar leh loo helo, waxaa loo baahan yahay in Waalidku iska ilaaliya dembiyada iyo xadgudubka, ka dibna guto waajibaadka iyo mas'uuliyaadka kale. Haddii waalidku ay ka buuxdo farxad, jacayl, iyo xamaasada iimaanka iyo dhaqanka wanaagsan, sidoo kale carruurta waxay qaadanayaan mas’uuliyadooda, iyaga oo ku dayanaya waalidka, waayo sida waalidka ugu dhaqmo waxa uu rumeysan yahay ayaa ka muhiimsan waxa uu u sheegayo caruurta.
Sidoo kale. waxaa loo baahan yahay in waalidku fahmo waaqaca ay caruurta ku nool yihiin, isaga oo dulqaad u yeelanayo hab dhaqanka cusub ee caruurtooda. Sidaas daraadeed, waa in waalidku dhageysto su'aalaha caruurta, kana jawaabo inta suuragal u ah, wixii uu garan waayana, waa inuu la kaashadaa cid uga aqoon badan. Waa in aan la dhibsan ama la quursan su'aalaha caruurta. Waa in la ixtiraamo, oo si dhab ah loo qaato su'aalaha iyo dareenka caruurta , si aysan caruurta u dhuminin kalsoonida ay waalidka ku qabaan. Waxaa intaas dheer, waa in lala sheekeysto caruurta, si loo ogaado baahiyahooda gaar ah.
Waalidiin badan ayaa isticmaalaa erayo diini ah iyo kuwo dhaqan si ay u xakameeyaan khilaafaadka iyaga iyo caruurtooda. Waxay isticmaalaan erayga waa ceeb iyo waa dembi. iyaga oo aan si buuxda ugu sharaxi karin sababta ay ceeb ama dembi u tahay ama iyaga oo aan ogeyn waxa ay caruurta qurbahada ku kortay u yaqaanaan ceeb ama dembi. Illaah oo loo isticmaalo in lagu xakameeyo caruurta, waxay keentaa in caruurta u arkaan Ilaah, mid iyaga rabitaankooda ka soo horjeeda, taasina waxay u muuqataa mid aan dhiseynin xiriirka ka dhexeeya caruurta iyo Ilaah.
Waxaan xusuusta sheeko uu ka sheekeeyay Cabdiraxmaan Yabarow, madaxa idaacadda VOA, laanteeda afsoomaaliga. "Wuxuu yiri, canug yar ayaa hooyadiis ka codsaday iney u soo gado ey, maadaama saaxibadiisa iskuulka eeyo leeyihin. Hooyadii ayaa ugu jawaabtay, anaga waxaan nahay muslim, eeyahana waa xaaraan. Canugii isaga oo aan qanacsaneyn ayuu iska aamusay, laakiin maalmo yar ka dib wuxuu helay fikrad ula muuqatay inuu hooyadiis ku qancin karo. Wuxuu canugii yiri, hooyo aniga ma rabo eeyaha gaalada, ee waxaad ii soo gadaa ey muslin ah. Ka dib hooyadi ayaa ku dhahday, war naga aamus ey muslin ah ma jiree, Ilaahna ma ogola in eeyaha la taabto". Hooyadii wiilka meeshii ay ka amaani laheyd hal abuurnimadda canugeeda, waxay canuga u sawirtay inuu yahay nacas su’aal xun, dhinaca kalena waxay canuga tustay, cida wax u diidan inuu yahay Ilaah, waayo haddii Ilaah ogolaan lahaa taabashada eeyaha, canuga waxaa loo soo gadi lahaa ey qurux badan.
Waxaa loo baahan yahay in la yareeyo in la yiraahdo Ilaah aya yiri, Ilaah ma ogala iyo wixii la mid ah, taas bedelkeedana waa in ilmaha si kale loo qanciyo, dhinaca kalena waa in loo soo dhaweeyaa Ilaah, oo loo sheegaa inuu iyaga jecel yahay. Sidoo kale, waa in la dhiiri geliyaa caruurta si ay u yeeshaan shaqsiyad xoogan, si ay u xaliyaan go’aanada iyo waxyaalaha ka horyimaanaya, haddii kale waxay ku koraan shaqsiyad daciif ah, taasoo aakhirka keeni karta iney ku caasiyoobaan waalidka, iyo laga yaabee xataa diintooda.
Ugu dambeyntii,waalidku waa inuu garab istaagaa caruurta si ay u horumariyaan shaqsiyadooda, uguna faanaan cida ay yihiin. Taasna waxay keeni kartaa in caruurta ku dhegaan qiyamka iyo mabaadi'da uu qoysku aaminsan yahay.