Thursday, September 1, 2016

Ciddaan Nahay


Beryahaan waxaan maqlayay cuqaasha, culumada iyo curaddada cideena oo cabanaayo. Waxay ka cabanayeen Caasimada oo cid matasha ku laheyn aqalka sare. Caruur iyo ciroole waxay ka caroodeen Caasimada cod ma lahan. Arintaanu ma ahan curato diimoon, laakiin waa ansixinta caado hore oo ay cida laheyd. Sidaas darteed la yaab ma ahan cabashada cida iyo in cadkii ay Caasimada laheyd ciida lagu tuuro, laakiin waxaan la cajabay, cida oo ciilkey ka qaaday cod la’aanta Caasimada  cidaha kale carro kala dul dhacay.  

Waxay yiraahdeen, “col baan nahay cashiiroy hadaan Cali Cusmaan sheegto”. Aniga waxaan qabaa, caradu iney gar tahay, laakiin caadifadu ineysan gar aheyn. Sababtu waxay tahay, cida cabaneyso waa unuka, cida laga cabanayo waa unuka, cida loo cabanayona waa unuka. Waxaa intaas dheer, ninka maandeeq caanaha ka maalayo waa cideena, marka cadaalad ma ahan in cuud aan anaga isu diidnay inaan cidaha kale ku caaridno. 

Gabayaa ayaa yiri, “Caammadu waxay moodayaan curasho dayreede. Cilmi felegga way garan raggii caalimka ahaaye. Anigaana meertadda cakiran kuu caddayn karo'e” Nin cideena ah ayaa madax ka ahaa qorista dastuurka dowladii rayidka. Wuxuu saamiga Caasimada la simay eyl iyo isku-shubban, oo lahaa min labo xildhibaan. Waxaase Caasimada ka coddad batay Buulo burde oo laheyd todobo xildhibaan iyo Buur hakaba, oo laheyd lix xildhibaan. 

Waxaan is weydiiyay Dr. Caroone, ma tirida cidaha iyo ciidey degaan ayuusan kala aqoon mise cadowtooyo iyo ciil hore ayuu u qabay cidaha Caasimada caanaha keena, mise cunuq Allaa oge, cantuugo weynoo la helay ayaa cadaalada iyo xaqa cashiirada ilowsiisay?. Sidoo kale, Cali ayaa diiday degmadii ay laheyd cida degta Careysinlow iyo Cadaan laxeey, sagaashameeyaddii, waqtigii uu socday howlgalkii Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya. Xiligaas oo la dhisayay maamulada degmooyinka koonfurta Soomaaliya. Dadkii arintaas ka caroodayna waxay ku shirbeen "dadkaan marna dagaal ku laay, marna degmooyinkoodi diid". Ka dar oo haddana dibi dhal, qowsaarka cusub, isagana tolnimo naguma ciseyn, ee wuxuu qaaday raadka kuwii isaga ka horeeyay. Wuxuu sameeyay qalad ka weyn qaladkii ay sameeyeen canaasiirtii hore, markuu Banaadir buuggaba ka tiray. Si kastaba ha ahaatee, in cunaqabateynta codka Caasimada dusha laga saaro cidaha kale, waxay u muuqataa isku day lagu daboolayo runta. 

Waa muhiim in leys xusuusiyo wixii la soo maray taariikhda si loo saxo waxa la sameynayo waqti xaadirkan iyo mustaqbalkaba. Sidaas daraadeed, waxaan jilayaasha cidda weydiinayaa, haddii cidnimo iyo carradaad degto wax lagu qeybsanayo, ma waadna magac ciddeed ama magac deegaan madasha iyo miiska ku fadhiyin? haddii aysan sidaasi aheyn, adinku cideed u dhalateen oo aad matashaan, mise waxaad tihiin casir degad, aan cidna u dhalan?

Nin afmaal ah ayaa yiri "cindigaa wax fiiriyaa ceynka ay noqone. Curka laguma soo dhego, waxaan kuu cuntamiheyne. Namaan ciifo laheyn baa i dilay calaf-ka-doonkiise. Casho keliya aad maqantahaa cadad ku dhaafaane. Cimrigay ha jiro ee kobtii, Caliyo maan joogo". Aniga carro igama heyso oo keliya Caasimada oo aan cadkeedii la siin, laakiin waxaa caloolyow igu haayo saameynta ay cida ku yeelan doonto Caasimada cod ma lahan. 

Waxaa la yiri, qur'aankii alifka ka habaaba, al-baqra kama hagaago" Sidaasi daraadeed, wixii maanta cida diiwaanka u gala  ayaa beritona calaacasha loo saari doonaa. ee midaas cindiga hala geliyo. Waxaase aniga cindigeyga geli la' cida weli ri'yo caato ah caano ka gujeynayo, oo haddana calaf ku jiro calaacashooda cidaha kale ka goobeyso. Anigu waxaan qabaa meeshii cir laga filayay ayaa caad ka yimid, ee yaan cidaha kale la caarifin, arintaana waa in loo arkaa hashaada ku jebisay. Sidoo kale, waxaa cindigeyga geli la' cido dega carro fog oo cidaha kale ku leh waxaad marti ka tihiin Caasimada, oo haddana cadka Caasimada u quurin ciddii xaqa u laheyn, balse magaca heybta guud ku cataawaya, si loo helo cawil celin yar, oo ay qeyb ka yihiin. Anigu ma qabo in Caasimada cid loo sheegto, mana qabo in Cadaado ka sukeyso Caabudwaaq ama Caluula haddiiba cid u nasab sheeganeyso Caasimada.

Waa run, iney cidaha dega Caasimada tirsanayaan cadaalad daro, waayo waxay ku dulman yihiin saami qeybsiga kuraasta aqalka sare. Inta aan ka warqabana cid laga sugayo iney wax saxo ma jirto. Marka cideena iyo cidaha heybta guud nala wadaaga yaysan carabkooda gaarsiin cidaha kale, ee Soomaaliyeed oo helay xaqooda ama xaqooda wax ka badan. 

Si loo helo cadaalad, sinaan iyo xaq caadil ah waxaa loo baahan yahay in loo istaago sidii isbedel loo sameyn lahaa. Dadku isbedelka way ka cabsadaan sababatoo ah iska caabinta ka dhalan karta awgeed. Taasna waa sababta ay dadka qaarkiis u yiraahdaan cidaa isku dhaceyso iyo cadowga ayaa naga faa'iideysanayo. Tan kale, marka la maqlo isbedel ayaa loo baahan yahay, waxaa cidaha qaarkood moodaan in loo dan leeyahay hogaamiye cidooda ah. Isbedelka ma ahan oo keliya in la bedelo qof markaas xil hayo, laakiin wuxuu noqon karaa in la saxo curfiga iyo caqliga hogaamiyahaas, haddiise uu maqli waayo codka cuqaasha iyo caaqilada bulshada, markaas ayay caanaha ka qubtaan ciil dar qabo awgeed.

Ugu dambeyn, waa mahadsan yihiin dhamaan cidaha aan codkooda naga hagran maarkaan ciilka weyn qabno. Cideena waxaan iyagana looga baahan yahay iney cabashadooda ku muujiyaan hadal, qoraal iyo banaanbax, iyada oo leyska ilaalinayo cunfi iyo cilaaqtan cidaha kale lagu maagayo.