Garaacida, cabsi gelinta, bahdilka, iyo cadaadiska dumarka nooc kasta uu yahay waxay aheyd wax la cambaareeyo waddamada Yurub, laakiin beryahaan sidaas ma ahan. Sidoo kale, ilaalinta xoriyada diinta, sharafta qofka iyo sinnaanta waxay aheyd wax la difaaco, laakiin maanta sidaasi ma ahan. Labadii sano ee ugu dambeysay, waxaa waddamada reer galbeedka ku soo badanayay wareerada loo geyso haweenka muslinka ah. Waxaa la garaacay dumar badan, qaarna waxaa laga jiiday ama dab lagu qabtay xijaabkii ay xirnaayeen. Qaar ka mid ah waxaa wejiga looga shubay qaxwo kulul halka qaarna lagu candhuufay. Qaar waxaa laga tuuray tareeno ama baabuur ay la socdeen. Qaar waxaa lagu dhuftay baabuurta raaxada xili ay lugeynayeen waddada. Qaar dumarka ka mid ah waxaa loo ganaaxay dhar ay xirnaayeen awgeed, halka qaarna lagu qasbay iney guryahooda joogaan iyaga oo ka cabsi qaba in loo dhibaateeyo ama loo ganaaxo nooca dhar ee ay xiran yihiin awgood.
Dhacdooyinkan qaar ka mid ah waxay haweenka ku dhaceen iyaga oo uur leh ama ay la socdaan caruurtooda. Waxaa intaas dheer, dumarkaan marka uu dhib ku dhaco, waxaa laga tagaa iyagoo jiifa goobta ay wax ku gaareen, iyadoo ay jirto dad arkayay dhacdada ama ku wiirsanayay dhibkooda. Haweenkan waxaa keliya oo lagu maagay waa iney muslimiin yihiin iyo iney iimaankooda ku muujiyeen dharka ay xiran yihiin.
Dhacdooyinkii ugu fuusha xumaa waxay dhaceen labadii bilood ee la soo dhaafay. Falalka dumarka lagu kacayna waxaa ka mid ah kuwaan soo socda. Gabar 34-sano jir muslin ah ayaa lagu weeraray Wadanka Ingiriiska 6-dii Agoosto 2016. Gabadhu waxay laheyd uur, waxaana ka soo dilmay ilmihii caloosha ku jiray ka dib markii laga haraatiyay caloosha. Wararka jaraa’idyada qaarkood waxay sheegayaan in haweeneyda la weeraray ay aheyd Soomaali.
Sidoo kale wadanka Isbeyn, haweeney muslim ah oo uur weyn leh ayaa lagu weeraray caruurteeda hortooda. Haweeneyda waxaa laga laaday caloosha. Arintaan ayaa dhacday 8 September 2016. Haweeneyda waxaa loo qaaday isbitaalka, nasiib wanaag lagama helin dhaawac weyn iyada iyo ilmaheeda caloosheeda ku jiray. Laba nin ayaa shaki ahaan loo xiray, sida ay booliiska sheegeen.
Wadanka Finland, axadii 11 September 2016, nin xagjir cadaan ah ayaa weeraray haweeneey muslin ah, oo laheyd uur afar bilood ah. Waxaa laga jeex jeexay xijaabkii ay xirneyd. Gabadhu waxay ka adeeganeysay xarunta Itäkeskus ee ku taala bariga Helsinki. Sida la sheegey, inkasta oo la aqoonsaday kuwa weerarka geystay, haddana cidna looma qaban.
22 September 2016, qof dumar ah oo xiran xijaab ayaa lagu garaacay koonfurta Caasimada Austria, ee Vienna. Haweeneyda oo aheyd 51 sano jir, ayaa u socotay goob ay ka shaqeyneysay. Dembiilaha ayaa gadaal kaga yimid haweeneyda, madaxa ayuuna dhowr jeer wax kaga dhuftay, markii ay dhulka ku dhacday, wuxuu sii watay inuu siii garaaco. Waxay isku dayday iney iska difaacdo, laakiin faraha ayuu ka qaniinay. Booliiska waxay xaqiijiyeen inay baarayaan dhacdada, laakiin cidna weli looma qaban.
24 Agoosto 2016, booliska Faransiiska ayaa haweeney muslimad ah ku qasbay inay meel fagaaro ah isaga siibto xijaabka lagu dabaasho oo ay xirneyd. Haweeneydaan la bahdilay, waxaa la socday gabadheeda. Gabadha yar ayaa ilmeysay markii ay aragtay qaabka foosha xun ee hooyadeed loola dhaqmay. Waxaase intaas oo dhan uga darnaa markii ay aragtay dadkii goobta joogay, oo u sacbinaya boolis, iyaga oo qoslaya, halkii ay caawin lahaayeen.
Wadanka Jarmalka, 4 Agoosto 2016, haweeney muslin ah oo 41-sano jir ah ayaa la weeraray. Haweeneyda ayaa ku sugneyd goob baska laga raaco. Ninka weerarka geystay ayaa naagtaan ku bilaabay feer, wuxuuna ka dhaawacay gacanta, lugta iyo madaxa. Dhanka kale, dadkii dhacdada arkayay ayaa goobta ka cararay, halkii ay ka caawin lahaayeen dhibanaha. Dhacdadan waxaa lagu wargeliyay booliska, laakiin cidna looma soo qaban.
Magaalada New York, haweeney Ingiriis muslin ah ayaa dab la qabadsiiyay xijaabkii ay xirneyd. Xadgudubkaan wuxuu dhacay habeenkii Sabtida, saacado ka hor sanad guurada September 11, 2016. Inkasta oo boolisku heleen raadka dambiilaha, haddana cidna looma qaban
Waxaa isweydiin mudan, ma xijaabka ayaa noqday Al-qaacida mise calaamad gumeysi oo loo baahan yahay in laga xoreeyo dumarka islaamka, mise xijaabka ayaa loo arkay anshax xumo iyo calaamad siyaasadeed oo halis ku ah qiyamka reer galbeedka, mise ujeedo kale ayaa jirta?
Anigu ma ihi qofkii ugu horeeyay ee wax ka qora xijaabka iyo dhibka lagu hayo dumarka muslimiinta, laakiin sababta aan hadda ugu hadlayo waxay tahay weeraradii ugu dambeeyay, ee loo geystay dumar muslin ah, gabar Soomaali ahna ay ku jirtay dumarkii dhibka soo gaaray iyo sidii guud ahaan bulshada, gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa iney la socdaan waxyaalaha ka dhacaya Yurub, si ay u foojignaadaan.
Inkastoo warbaahinta iyo siyaasiyiinta xagjir ah u sawiraan xijaabka sida calaamad dulmi ah, oo lagu xaqirayo xoriyadda haweenka, haddana sida xaqiiqda ah dumarka muslin ah, oo ay ku jiraan dumar u dhashay, kana soo jeedaa asal ahaan waddamada reer galbeedka ayaa xirta xijaabka, waxayna u xirtaan xagga ruuxa iyo iimaanka, mana ahan calaamad gumeysi ama cadaadis. Sidoo kale xijaabku ma ahan caalamad anshax xumo, laakiin waa dhar astur ah oo qurux badan, oo anshax ahaan suubban. Haddii calaamad iyo anshax xumo la diidayo, qaanso roobaadka waa calaamad qurux badan, hase yeeshee, waxaa isticmaala khaniisiinta, sidaas darteed, qaanso roobaadu waxay u taagan tahay calaamad anshax xumo, haddana inta badan il nacab kuma eegaan waddamada reer galbeedka. Marka, isweydiintu waxay tahay, maxaa wax qaraar loogu arkaa xijaabka dumarka muslimiinta ay xirtaan, oo caadi loogu arkaa khaniisnimada haddiiba anshax xumo laga hortegayo?
Dhinaca kale, inkasta oo xijaabka loo arko dhar muslimiinta leeyihiin haddana waxaa xirta dumar masiixiyiin ah, xor ayayna u yihiin iney xirtaan. Mana loo arko calaamad siyaasadeed ama mid anshax xumo oo barxayo dhaqanka iyo qiyamka reer galbeedka. Marka maxaa laga hurgufayaa oo ku jira xijaabka dumarka muslimiinta. Haddii aad ogtahay iyo haddii kale, xijaabka waxaa xirta dumarka masiixiyiinta ee kaniisadaha ka adeega. Xataa dumarkaas qaarkood waxay ka asturan fiican yihiin dumarka muslimiinta ee xijaabka qaata. Dumarkaan masiixiyiinta ah waxay xijaabku u qaataan sabab diineed, ee ma ahan mid siyaasadeed, cid ku qasabtayna ma jirto. Sidoo kale, dumarka muslimiintana xijaabka waxay u qaataan diin ahaan iyo dhowrsanaan awgeed, ee ma ahan siyaasad. Marka su'aashu waxay tahay, maxaa loo weeraraa dumarka muslimiinta, oo aan loo weerarin soorooyinka maxiisiyiinta ee xijaabka xiran? Mise arintu waa "baroorta orgiga ka weyn?"
Aniga waxay ila tahay iney jirto ujeedooyin ka dembeeya weeraradaan. Tan hore waa in dareen cabsi ah lagu abuuro, guud ahaan bulshada muslinka ah, gaar ahaan dumarka iyo caruurta. Cunsuriyiinta waxaay isticmaalayaan, maahmaahda dhaheysa “mas madaxdaa laga dilaa”, ee muslimiinta halaga dilo marwooyinka iyo marrasta si ay u qaxaan.
Tan labaad, waxaa jira siyaasiyiinta doonaya iney xukunka ku gaaraan cabsi gelinta codbixiyayaasha, iyaga oo ku hadlayo hadalo been ah oo ka dhan ah muslimiinta. Sidoo kale waxay soo saarayaan sharciyo cusub iyo ganaaxyo lagu ciqaabayo dumarka muslimiinta, si arinta looga dhigo “wixii xunba Xaawaa leh” taasna waa cunsuriyad iyo islaam naceyb iska cad.
Tan sadaxaad, waxaad moodaa in la gaaray dhamaadkii taariikhda dimoqaraadiyada, xoriyada iyo ilbaxnimada Yurub. Waxaa kharribmaya, oo sii burburaya qiyamkii iyo dhaqankii ilaalinta iyo difaacida dumarka, caruurta, xoriyada diinta, sinnaanta, dulqaadka iyo ilaalinta xaqa dadka laga tirada badan. In dumarka lagu garaaco wadooyinka Yurub, in dumarka lagu maago dharka ay xiran yihiin iyo in dumarka si xor ah howl maalmeedkooda u gudan waayaan ma ahan wax caadi ka ahaan jiray Yurubta casriga ah. Maanta cadaadiska iyo waxyeeleynta dumarka waxay noqdeen wax lagu tartamo, oo maalin kasta ka dhacda wadooyinka iyo hay’adaha cadaalada waddamada Yurub dhexdooda .
Marka Yurub waxay qarka u saaran tahay iney dib ugu noqoto dhaqankii fashiistaha ama ay qaado wado ka xun sida tan kooxaha Alqaacida iyo Daacish, oo aan muslin iyo gaal, rag iyo dumar midna aan ciseyn. Haddaba marka uu darbiga dumi rabo, laguma tiirsado ee waa laga fogaadaa. Sidaas daraadeed, darbigii ilbaxnimada iyo xoriyada Yurub waa dumi rabaa ee dumarka iyo caruurta halaga ilaaliyo inta uusan darbigu ku soo dumin.
Hab dhaqankaan cusub ee gacan ka hadal iyo cadaadinta ah, dhab ahaan wuxuu saamayn ku yeeshay dumarka muslimiinta. Aamusnaanta dowladaha iyo ficil la'aanta waxay arintaan ka dhigeysaa ficil siyaasadeed la isku raacsan yahay, oo lagu faquuqayo dumarka muslimiinta. Waxayna takooreysaa qayb ka mid ah bulshada halkii ay ku dhiiri gelin laheyd dumarka muslimiinta dhaqanka furfuran iyo is-dhexgalka. Dhinaca kale, waxay guul ama qiil u noqonaysaa kooxaha xagjiriinta ee doonaya in ay xaddidaan xorriyadda haweenka. Waxayna dib u dhac u keeneysaa jidka horumarka haweenka
Marka haddii la rabo in wax laga qabto weeraradaan ka dhanka ah dumarka muslimiinta waa fududahay, laakiin waxay su'aali ka taagan tahay in siyaasiyiinta Yurub doonayaan iney dhibaatadaan si dhab ah wax uga qabtaan. Sababtu waxay tahay Islaam naceybka iyo cunsuriyada waxay ka noqotay Yurub hab dadka lagu abaabulo ama looga jeediyo dhaqaalo xumada iyo fashilaada siyaasada ee gudaha iyo dabada waddamadooda ka jirta. Sanadaha soo socdana islaam naceybku kor ayuu u sii kici doonaa. Ma ahan inuu ku sii badan doono oo keliya wadooyinka Yurub, laakiin wuxuu ku badan doonaa baarlamaanada Yurub. Sidaas daraadeed, dadka Soomaaliyeed waa iney dumarka iyo caruurta siiyaan ilaalin ku filan, haddii laga fursan waayana in dalkooda lagu celiyo.