Waxaa jirta fikrad caadi ahaan Soomaali badan aaminsan tahay, taasoo ah in ku dhaqanka shareecadda islaamku tahay habka ugu fiican ee lagu xallin karo arrimaha shakhsi, sharci iyo siyaasadeed ee maanta Soomaaliya ka jira. Haddana dhinaca kale, waxaa jira qaar badan oo ka mid ah bulshada oo diidan ra’yigaas. Dadkaas waxay qabaan inaan shareecadda islaamka lagu dhaqmi karin sababo jira awgood. Hadaba, waxaa beryahaan jirtay aqoonyahanno meediyaha ka hadlay oo si cad u sheegay inaan shareecadda lagu dhaqi karin iyo wadaado u jawaabay, oo radiyay fikirkooda.
Aniga ujeedadeydu ma ahan in la taageero ama lagu muddaaharaado labadaan kooxood midkood, waayo ma ogi cida fikirkeedu si wanaagsan oo cadaalad ah ugu dhaqi karta ama ugu xukummi karta Soomaaliya. Sidoo kale aniga doodeydu ma ahan kala doorashada shareecadda iyo sharciga reer galbeedka ama sidii loo kala sooci lahaa dowlada iyo mabaadiidda diinta, laakiin doodeydu waxay tahay caadilnimada iyo daacadnimada cida wax xukumeysa iyo cida la xukumayo.
Sidaas daraadeed, haddii la rabo in la fuliyo shareecadda waxaa loo baahan yahay madax dhawrsata, oo leh aqoon, dulqaad, sharaf iyo damiir sare. Waxaa intaas dheer, waxaa loo baahan yahay madax ogol sareynta sharciga, xaqa isdoorashada iyo waqtiga xadidan ee mudo xileedyada xafiisyada iyo adeegga dadweynaha. Sidoo kale, waxaa loo baahan yahay bulsho mas'uulid shaqsi shaqsi ah iska saarta ku dhaqanka shareecadda iyo adeecida Rabbi, intii la raadin lahaa awood kale oo qasabta dadka.
Haddii si daacad ah iyo taariikh ahaan loo qiimeeyo taariikhda ku dhaqanka shareecadda iyo siyaasada ku dhisan diinta iyo sida loogu xadgudbay, waxaa cad in diinta loo isticmaalay qarniyo badan ujeedooyin ka soo horjeeda waxa ay inna fareyso. Tusaale ahaan, Umawiyiinta iyo Cabaasiyiinta waxay ahaayeen qaabadii, Saxaabadii iyo Taabiciinta nebiga, waxna ka bartay nebiga, haddana waxay ku dirireen xukunka iyo hogaaminta ummadda. Qolo kastana waxay aaminsaneyd iney iyadu tahay tan saxda ah, oo diinta ku taagan. Sidoo kale, waxaa jiray madax qaniinyo kulul oo u adeegayay maamuladaas, kuwaasoo diinta si fiican u yaqaanay, haddana muslimiin badan laayay. Keligi-taliyaha ugu caansan, kana tirsanaa maamulkii Umawiyiinta wuxuu ahaa Xujaaj Binu Yuusuf. Xujaaj wuxuu ahaa nin qalafsan oo jees jees badan, dilka iyo dhiiga dadkana la fudud yahay, wuxuuna dilay taabiciin iyo muslimiin badan, oo ay ku jireen culumo barimageydo ah.
Aniga dan iyo xaajo kama lihi inaan dhaleeceeyo ama duro saaxabadii nebiga, taabaciintii ama sallafkii, laakiin ujeedadeydu waxay tahay inaan iftiimiyo, haddii dadkii ugu aqoonta badnaa diinta iyo noloshii nebiga ay sidaan u dhaqmeen waxa laga filan karo dadka maanta nool afar iyo toban qarni ka dib.
Marka waxaa had iyo jeer jira dareen ah in go’aamada dowlada iyo xukunnada sharci ee lagu gaaro magaca diinta inay ku xadgudbaan madax iyo garsoorayaal aan caddaalad ahayn sababo daneed awgeed. Sidaas daraadeed, in xukunka loo dhiibo koox daneysato ah oo nidaam sharci ka dhigta waxyi Rabbaani ah waxay leedahay cabsideeda, waayo si fudud ayay u yeelan karaan awood diineed keli talis ah ama boqortooyo magac diineed ama magac qabiil wadata oo ay xukunkeeda kala dhaxlaan qoys keliya sida tii reer Bani Ummaya ama tan boqortooyada Sacuudi Careebiya.
Cabsida kale waxay tahay, shareecadu waa caqiido loo isticmaali karo fikir iyo sharci siyaasadeed ay cidda xukunka hayso ku gaaleysiin karto qofkii ka fikir duwan, iyadoo dadka ku shabbadeynayso iney diinta u gefeen, waayo dadku si fudud ayay u rumeystaan wixii diin ku xadgudbid loogu sheego oo ay madaxdooda afka ugu tiraan. Marka maanta waa yar tahay madax ama hogaamiye Soomaaliyeed oo daacad ah oo la aamini karo, sidaas daraadeed ku dhaqanka shareecadda waxaa loo isticmaali karaa sallaan lagu fuullo awooda xukunka, ka dibna dadka lagu dhibaateeyo magaca diinta.
Tan kale, inta badan waxgaradka iyo siyaasiyiinta Soomaalida waa culimada, imaamyada masaajida, odayaasha dhaqanka, kuwaas oo qiyamkooda asaasiga ah iyo fikirkooda uu ku saleysan yahay diinta Islaamka, taasoo haddana dhaqankooda iyo noloshooda aysan wax badan ka duwaneyn tan caamadda. Waxaa intaas dheer, jilayaashada siyaasada Soomaaliya waxay ka soo jeedaan shaqsiyaad ku xiran ama ka tirsan kooxo diimeedyo iska soo horjeeda, sida Damuljajiid, Aala sheekh, Al-islaax, Ahlu sunna, Al-ictisaam, Al-shabaab iyo kuwo kale oo badan.
Kooxo diimeedyadaan waxay qeyb ka yihiin dagaalada iyo dhiiga maanta Soomaaliya ku daadanayo. Qaar badan oo maddaxda kooxo diimeedyadaan ka mid ah waxay u adeeggaan ama garabsadaan cadowga Soomaalida. Sidoo kale waxay cadowga waddanka ku caawiyaan taladii lagu burburin lahaa qaranimadda dalkooda, iyo wiiqida diinta iyo tirtirida dhaqanka wanaagsan ee bulshada si loo dulleeyo. Marka su'aashu waxay tahay sidee lagu heli karaa maddax caadilliin ah, oo daacad ah oo lagu aamini karo fulinta shaceeradda iyo masiirka ummadda?.
Dhinaca cidda la xukumayo, sidaan ognahay maanta waxaa jira Soomaali badan oo ku dhaqma wax badan oo diinta ka soo horjeeda. Marka wax manco ah ma sameyneyso in shareecadda la hirgeliyo, haddii aysan dadku ku dhaqmeynin shareecadda. sidoo kalena shareecadda kaama dhigeyso qof fiican ama kaamil ah, haddii aysan dadka ku noolaaneynin sharciga iyo mabaadiida diinta. Dhab ahaantii, mararka qaarkood dadka waxay qalloociyaan ama sameeyaan isburin iyo wax lid ku ah waxa ay rumeysan yihiin. Markay dadkaan sameynayaan wax diinta ka soo horjeeda, waa ogyihiin badankood iney waxaas yihiin xaaraan, qalad ama wax karaahiyo ah, haddana dan kama galaan gefkooda iyo dhibaatada ka dhalan karta ficiladooda. Marka dhibaatadu waxay tahay inaan laga reebtoomin waxyaalaha Shareecadda diiday ama xaaraanta ku sheegtay sida dilka dadka dembi la'aanta ah, qabyaalada, cunida qaadka, quursiga ama yasida dad kale, gudniinka firnoociga, dayaca qoyska, laaluushka iyo ka ganacsiga waxyaabaha halista ku ah nafta bani’aadanka iyo deegaanka.
Waxaana dhacda in mararka qaar la difaaco waxyaalaha qaladka ah iyo xadgudubyada kale, ee aan soo sheegay, kuwaasoo diin ahaan la difaaci karin. Marka si loo helo madax caadil ah oo daacad ah, waxaa loo baahan yahay in la helo bulsho daacad ah oo ku qanacsan diinta, ka dibna naftooda ku fuliya shareecadda iyada oo aysan ciddna ku qasbeynin. Dirqinta iyo sandulleynta waxay keentaa oo keliya munaafaqnimo iyo in dadku ku dhaqmaan labo nolol oo kale duwan. Sidoo kale, bulsho munaafaqiin ah waxaa ka soo baxa maddax munaafaqiin ah, oo dhiigya cab ah, Soomaalidana waxay tiraahdaa "Geed walba wuxuu dhalaa dheecaankiisa". Marka suuragal ma ahan in bulsho xun ay soo saarto hagaamiyeyaal wanaagsan.
Ugu dambeyntii, dad badan ayaa been naftooda u sheegaya, kuwaasoo aaminsan haddii lagu xukumo shareecadda islaamka iney siineyso adunni kaamil ah. Laakiin runta fudud waxay tahay, hore loo yiri, "Qoolleey qoor qabad biyo kuma cabto" in la dalbado cid kugu dirqiso ku dhaqanka shareecadda iyo in shareecadaan rabnaa la yiraahdo meel ma wada gasho. Sidaas daraadeed hirgelinta shareecadda waxay u baahan tahay in sharciga iyo dhaqanka dadku iswaafaqsan yihiin. Sidoo kale, in dadku ogal yihiin fulinta maqaasiida guud ee shareecadda iyo qeybaha kale duwan ee ay taabaneyso, maxaa yeelay ku dhaqanka shareecadu waa ka badan tahay shanta tiir" sida shahaadadda, salaada, soonka, samafalka iyo xajka. Shareecadu waxay koobeysaa wax kasta sida mabaadiidda sinnaanta, caddaalada, ganacsiga, siyaasadda iyo muhiimadda ay leedahay isku xirka xuquuqda, waajibaadka iyo kor u qaadida ku dhaqanka akhlaaqda guud ee ay diinta fareyso, si loogu noolaado nolol khushuuc leh, oo u adeegeysa Ilaah iyo noolaha kale. Haddii aanan sidaasi shareecadda loo fulin karinna arrintu waxay noqoneysaa dhaaan dabagaale ayaan rabnaa, ee ma rabno shareeco!