Sunday, December 25, 2016

Waxay u baahan tahay in shareecadda iyo dhaqanka dadku iswaafaqaan

Waxaa jirta fikrad caadi ahaan Soomaali badan aaminsan tahay, taasoo ah in ku dhaqanka shareecadda islaamku tahay habka ugu fiican ee lagu xallin karo arrimaha shakhsi, sharci iyo siyaasadeed ee maanta Soomaaliya ka jira. Haddana dhinaca kale, waxaa jira qaar badan oo ka mid ah bulshada oo diidan ra’yigaas. Dadkaas waxay qabaan inaan shareecadda islaamka lagu dhaqmi karin sababo jira awgood. Hadaba, waxaa beryahaan jirtay aqoonyahanno meediyaha ka hadlay oo si cad u sheegay inaan shareecadda lagu dhaqi karin iyo wadaado u jawaabay, oo radiyay fikirkooda. 
Aniga ujeedadeydu ma ahan in la taageero ama lagu muddaaharaado labadaan kooxood midkood, waayo ma ogi cida fikirkeedu si wanaagsan oo cadaalad ah ugu dhaqi karta ama ugu xukummi karta Soomaaliya. Sidoo kale aniga doodeydu ma ahan kala doorashada shareecadda iyo sharciga reer galbeedka ama sidii loo kala sooci lahaa dowlada iyo mabaadiidda diinta, laakiin doodeydu waxay tahay caadilnimada iyo daacadnimada cida wax xukumeysa iyo cida la xukumayo. 
Sidaas daraadeed, haddii la rabo in la fuliyo shareecadda waxaa loo baahan yahay madax dhawrsata, oo leh aqoon, dulqaad, sharaf iyo damiir sare. Waxaa intaas dheer, waxaa loo baahan yahay madax ogol sareynta sharciga, xaqa isdoorashada iyo waqtiga xadidan ee mudo xileedyada xafiisyada iyo adeegga dadweynaha. Sidoo kale, waxaa loo baahan yahay bulsho mas'uulid shaqsi shaqsi ah iska saarta ku dhaqanka shareecadda iyo adeecida Rabbi, intii la raadin lahaa awood kale oo qasabta dadka. 
Haddii si daacad ah iyo taariikh ahaan loo qiimeeyo taariikhda ku dhaqanka shareecadda iyo siyaasada ku dhisan diinta iyo sida loogu xadgudbay, waxaa cad in diinta loo isticmaalay qarniyo badan ujeedooyin ka soo horjeeda waxa ay inna fareyso. Tusaale ahaan, Umawiyiinta iyo Cabaasiyiinta waxay ahaayeen qaabadii, Saxaabadii iyo Taabiciinta nebiga, waxna ka bartay nebiga, haddana waxay ku dirireen xukunka iyo hogaaminta ummadda. Qolo kastana waxay aaminsaneyd iney iyadu tahay tan saxda ah, oo diinta ku taagan. Sidoo kale, waxaa jiray madax qaniinyo kulul oo u adeegayay maamuladaas, kuwaasoo diinta si fiican u yaqaanay, haddana muslimiin badan laayay.  Keligi-taliyaha ugu caansan, kana tirsanaa maamulkii Umawiyiinta wuxuu ahaa Xujaaj Binu Yuusuf. Xujaaj wuxuu ahaa nin qalafsan  oo jees jees badan, dilka iyo dhiiga dadkana la fudud yahay, wuxuuna dilay taabiciin iyo muslimiin badan, oo ay ku jireen culumo barimageydo ah. 
Aniga dan iyo xaajo kama lihi inaan dhaleeceeyo ama duro saaxabadii nebiga, taabaciintii ama sallafkii, laakiin ujeedadeydu waxay tahay inaan iftiimiyo, haddii dadkii ugu aqoonta badnaa diinta iyo noloshii nebiga ay sidaan u dhaqmeen waxa laga filan karo dadka maanta nool afar iyo toban qarni ka dib. 
Marka waxaa had iyo jeer jira dareen ah in go’aamada dowlada iyo xukunnada sharci ee lagu gaaro magaca diinta inay ku xadgudbaan madax iyo garsoorayaal aan caddaalad ahayn sababo daneed awgeed. Sidaas daraadeed, in xukunka loo dhiibo koox daneysato ah oo nidaam sharci ka dhigta waxyi Rabbaani ah waxay leedahay cabsideeda, waayo si fudud ayay u yeelan karaan awood diineed keli talis ah ama boqortooyo magac diineed ama magac qabiil wadata oo ay xukunkeeda kala dhaxlaan qoys keliya sida tii reer Bani Ummaya ama tan boqortooyada Sacuudi Careebiya.
Cabsida kale waxay tahay, shareecadu waa caqiido loo isticmaali karo fikir iyo sharci siyaasadeed ay cidda xukunka hayso ku gaaleysiin karto qofkii ka fikir duwan, iyadoo dadka ku shabbadeynayso iney diinta u gefeen, waayo dadku si fudud ayay u rumeystaan wixii diin ku xadgudbid loogu sheego oo ay madaxdooda afka ugu tiraan. Marka maanta waa yar tahay madax ama hogaamiye Soomaaliyeed oo daacad ah oo la aamini karo, sidaas daraadeed ku dhaqanka shareecadda waxaa loo isticmaali karaa sallaan lagu fuullo awooda xukunka, ka dibna dadka lagu dhibaateeyo magaca diinta.
Tan kale, inta badan waxgaradka iyo siyaasiyiinta Soomaalida waa culimada, imaamyada masaajida, odayaasha dhaqanka, kuwaas oo qiyamkooda asaasiga ah iyo fikirkooda uu ku saleysan yahay diinta Islaamka, taasoo haddana dhaqankooda iyo noloshooda aysan wax badan ka duwaneyn tan caamadda. Waxaa intaas dheer, jilayaashada siyaasada Soomaaliya waxay ka soo jeedaan shaqsiyaad ku xiran ama ka tirsan kooxo diimeedyo iska soo horjeeda, sida Damuljajiid, Aala sheekh, Al-islaax, Ahlu sunna, Al-ictisaam, Al-shabaab iyo kuwo kale oo badan. 
Kooxo diimeedyadaan waxay qeyb ka yihiin dagaalada iyo dhiiga maanta Soomaaliya ku daadanayo. Qaar badan oo maddaxda kooxo diimeedyadaan ka mid ah waxay u adeeggaan ama garabsadaan cadowga Soomaalida. Sidoo kale waxay cadowga waddanka ku caawiyaan taladii lagu burburin lahaa qaranimadda dalkooda, iyo wiiqida diinta iyo tirtirida dhaqanka wanaagsan ee bulshada si loo dulleeyo. Marka su'aashu waxay tahay sidee lagu heli karaa maddax caadilliin ah, oo daacad ah oo lagu aamini karo fulinta shaceeradda iyo masiirka ummadda?. 
Dhinaca cidda la xukumayo, sidaan ognahay maanta waxaa jira Soomaali badan oo ku dhaqma wax badan oo diinta ka soo horjeeda. Marka wax manco ah ma sameyneyso in shareecadda la hirgeliyo, haddii aysan dadku ku dhaqmeynin shareecadda. sidoo kalena shareecadda kaama dhigeyso qof fiican ama kaamil ah, haddii aysan dadka ku noolaaneynin sharciga iyo mabaadiida diinta. Dhab ahaantii, mararka qaarkood dadka waxay qalloociyaan ama sameeyaan isburin iyo wax lid ku ah waxa ay rumeysan yihiin. Markay dadkaan sameynayaan wax diinta ka soo horjeeda, waa ogyihiin badankood iney waxaas yihiin xaaraan, qalad ama wax karaahiyo ah, haddana dan kama galaan gefkooda iyo dhibaatada ka dhalan karta ficiladooda. Marka dhibaatadu waxay tahay inaan laga reebtoomin waxyaalaha Shareecadda diiday ama xaaraanta ku sheegtay sida dilka dadka dembi la'aanta ah, qabyaalada, cunida qaadka, quursiga ama yasida dad kale, gudniinka firnoociga, dayaca qoyska, laaluushka iyo ka ganacsiga waxyaabaha halista ku ah nafta bani’aadanka iyo deegaanka.
Waxaana dhacda in mararka qaar la difaaco waxyaalaha qaladka ah iyo xadgudubyada kale, ee aan soo sheegay, kuwaasoo diin ahaan la difaaci karin. Marka si loo helo madax caadil ah oo daacad ah, waxaa loo baahan yahay in la helo bulsho daacad ah oo ku qanacsan diinta, ka dibna naftooda ku fuliya shareecadda iyada oo aysan ciddna ku qasbeynin. Dirqinta iyo sandulleynta waxay keentaa oo keliya munaafaqnimo iyo in dadku ku dhaqmaan labo nolol oo kale duwan. Sidoo kale, bulsho munaafaqiin ah waxaa ka soo baxa maddax munaafaqiin ah, oo dhiigya cab ah, Soomaalidana waxay tiraahdaa "Geed walba wuxuu dhalaa dheecaankiisa". Marka suuragal ma ahan in bulsho xun ay soo saarto hagaamiyeyaal wanaagsan. 
Ugu dambeyntii, dad badan ayaa been naftooda u sheegaya, kuwaasoo aaminsan haddii lagu xukumo shareecadda islaamka iney siineyso adunni kaamil ah. Laakiin runta fudud waxay tahay, hore loo yiri, "Qoolleey qoor qabad biyo kuma cabto" in la dalbado cid kugu dirqiso ku dhaqanka shareecadda iyo in shareecadaan rabnaa la yiraahdo meel ma wada gasho. Sidaas daraadeed hirgelinta shareecadda waxay u baahan tahay in sharciga iyo dhaqanka dadku iswaafaqsan yihiin. Sidoo kale, in dadku ogal yihiin fulinta maqaasiida guud ee shareecadda iyo qeybaha kale duwan ee ay taabaneyso,  maxaa yeelay ku dhaqanka shareecadu waa ka badan tahay shanta tiir" sida shahaadadda, salaada, soonka, samafalka iyo xajka. Shareecadu waxay koobeysaa wax kasta sida mabaadiidda sinnaanta, caddaalada, ganacsiga, siyaasadda iyo muhiimadda ay leedahay isku xirka xuquuqda, waajibaadka iyo kor u qaadida ku dhaqanka akhlaaqda guud ee ay diinta fareyso, si loogu noolaado nolol khushuuc leh, oo u adeegeysa Ilaah iyo noolaha kale. Haddii aanan sidaasi shareecadda loo fulin karinna arrintu waxay noqoneysaa dhaaan dabagaale ayaan rabnaa, ee ma rabno shareeco!


Wednesday, October 5, 2016

Yurub oo noqotay goob dumarka muslinka lagu dhibaateeyo

Garaacida, cabsi gelinta, bahdilka, iyo cadaadiska dumarka nooc kasta uu yahay waxay aheyd wax la cambaareeyo waddamada Yurub, laakiin beryahaan sidaas ma ahan. Sidoo kale, ilaalinta xoriyada diinta, sharafta qofka iyo sinnaanta waxay aheyd wax la difaaco, laakiin maanta sidaasi ma ahan.  Labadii sano ee ugu dambeysay, waxaa waddamada reer galbeedka ku soo badanayay wareerada loo geyso haweenka muslinka ah. Waxaa la garaacay dumar badan, qaarna waxaa laga jiiday ama dab lagu qabtay xijaabkii ay xirnaayeen. Qaar ka mid ah waxaa wejiga looga shubay qaxwo kulul halka qaarna lagu candhuufay. Qaar waxaa laga tuuray tareeno ama baabuur ay la socdeen. Qaar waxaa  lagu dhuftay baabuurta raaxada xili ay lugeynayeen waddada. Qaar dumarka ka mid ah waxaa loo ganaaxay dhar ay xirnaayeen awgeed, halka qaarna lagu qasbay iney guryahooda joogaan iyaga oo ka cabsi qaba in loo dhibaateeyo ama loo ganaaxo nooca dhar ee ay xiran yihiin awgood.  

Dhacdooyinkan qaar ka mid ah waxay haweenka ku dhaceen iyaga oo uur leh ama ay la socdaan caruurtooda. Waxaa intaas dheer, dumarkaan marka uu dhib ku dhaco, waxaa laga tagaa iyagoo jiifa goobta ay wax ku gaareen, iyadoo ay jirto dad arkayay dhacdada ama ku wiirsanayay dhibkooda. Haweenkan waxaa keliya oo lagu maagay waa iney muslimiin yihiin iyo iney iimaankooda ku muujiyeen dharka ay xiran yihiin. 

Dhacdooyinkii ugu fuusha xumaa waxay dhaceen labadii bilood ee la soo dhaafay. Falalka dumarka lagu kacayna waxaa ka mid ah kuwaan soo socda. Gabar 34-sano jir muslin ah ayaa lagu weeraray Wadanka Ingiriiska 6-dii  Agoosto 2016. Gabadhu waxay laheyd uur, waxaana ka soo dilmay ilmihii caloosha ku jiray ka dib markii laga haraatiyay caloosha. Wararka jaraa’idyada qaarkood waxay sheegayaan in haweeneyda la weeraray ay aheyd Soomaali. 

Sidoo kale wadanka Isbeyn, haweeney muslim ah oo uur weyn leh ayaa lagu weeraray caruurteeda hortooda. Haweeneyda waxaa laga laaday caloosha. Arintaan ayaa dhacday 8 September 2016. Haweeneyda waxaa loo qaaday isbitaalka, nasiib wanaag lagama helin dhaawac weyn iyada iyo ilmaheeda caloosheeda ku jiray. Laba nin ayaa shaki ahaan loo xiray, sida ay booliiska sheegeen.

Wadanka Finland, axadii 11 September 2016, nin xagjir cadaan ah ayaa weeraray haweeneey muslin ah, oo laheyd uur afar bilood ah. Waxaa laga jeex jeexay xijaabkii ay xirneyd. Gabadhu waxay ka adeeganeysay xarunta Itäkeskus ee ku taala bariga Helsinki. Sida la sheegey, inkasta oo la aqoonsaday kuwa weerarka geystay, haddana cidna looma qaban.

22 September 2016, qof dumar ah oo xiran xijaab ayaa lagu garaacay koonfurta Caasimada Austria, ee Vienna. Haweeneyda oo aheyd 51 sano jir, ayaa u socotay goob ay ka shaqeyneysay.  Dembiilaha ayaa gadaal kaga yimid haweeneyda, madaxa ayuuna dhowr jeer wax kaga dhuftay, markii ay dhulka ku dhacday, wuxuu sii watay inuu siii  garaaco. Waxay isku dayday iney iska difaacdo, laakiin faraha ayuu ka qaniinay. Booliiska waxay xaqiijiyeen inay baarayaan dhacdada, laakiin cidna weli looma qaban. 

24 Agoosto 2016, booliska Faransiiska ayaa haweeney muslimad ah ku qasbay inay meel fagaaro ah isaga siibto xijaabka lagu dabaasho oo ay xirneyd. Haweeneydaan la bahdilay, waxaa la socday gabadheeda. Gabadha yar ayaa ilmeysay markii ay aragtay qaabka foosha xun ee hooyadeed loola dhaqmay. Waxaase intaas oo dhan uga darnaa markii ay aragtay dadkii goobta joogay, oo u sacbinaya boolis, iyaga oo qoslaya, halkii ay caawin lahaayeen.

Wadanka Jarmalka, 4 Agoosto 2016, haweeney muslin ah oo 41-sano jir ah ayaa la weeraray. Haweeneyda ayaa ku sugneyd goob baska laga raaco. Ninka weerarka geystay ayaa naagtaan ku bilaabay feer, wuxuuna ka dhaawacay gacanta, lugta iyo madaxa. Dhanka kale, dadkii dhacdada arkayay ayaa goobta ka cararay, halkii ay ka caawin lahaayeen dhibanaha. Dhacdadan waxaa lagu wargeliyay booliska, laakiin cidna looma soo qaban.

Magaalada New York, haweeney Ingiriis muslin ah ayaa dab la qabadsiiyay xijaabkii ay xirneyd. Xadgudubkaan wuxuu dhacay habeenkii Sabtida, saacado ka hor sanad guurada September 11, 2016. Inkasta oo boolisku heleen raadka dambiilaha, haddana cidna looma qaban

Waxaa isweydiin mudan, ma xijaabka ayaa noqday Al-qaacida mise calaamad gumeysi oo loo baahan yahay in laga xoreeyo dumarka islaamka, mise xijaabka ayaa loo arkay anshax xumo iyo calaamad siyaasadeed oo halis ku ah qiyamka reer galbeedka, mise ujeedo kale ayaa jirta?  

Anigu ma ihi qofkii ugu horeeyay ee wax ka qora xijaabka iyo dhibka lagu hayo dumarka muslimiinta, laakiin sababta aan hadda ugu hadlayo waxay tahay weeraradii ugu dambeeyay, ee loo geystay dumar muslin ah, gabar Soomaali ahna ay ku jirtay dumarkii dhibka soo gaaray iyo sidii guud ahaan bulshada, gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa iney la socdaan waxyaalaha ka dhacaya Yurub, si ay u foojignaadaan.  

Inkastoo warbaahinta iyo siyaasiyiinta xagjir ah u sawiraan xijaabka sida calaamad dulmi  ah, oo lagu xaqirayo xoriyadda haweenka, haddana sida xaqiiqda ah dumarka muslin ah, oo ay ku jiraan dumar u dhashay, kana soo jeedaa asal ahaan waddamada reer galbeedka ayaa xirta xijaabka, waxayna  u xirtaan xagga ruuxa iyo iimaanka, mana ahan calaamad gumeysi ama cadaadis. Sidoo kale xijaabku ma ahan caalamad anshax xumo, laakiin waa dhar astur ah oo qurux badan, oo anshax ahaan suubban. Haddii calaamad iyo anshax xumo la diidayo, qaanso roobaadka waa calaamad qurux badan, hase yeeshee, waxaa isticmaala  khaniisiinta, sidaas darteed, qaanso roobaadu waxay u taagan tahay calaamad anshax xumo, haddana inta badan il nacab kuma eegaan waddamada reer galbeedka. Marka, isweydiintu waxay tahay, maxaa wax qaraar loogu arkaa xijaabka dumarka muslimiinta ay xirtaan, oo caadi loogu arkaa khaniisnimada haddiiba anshax xumo laga hortegayo?  

Dhinaca kale, inkasta oo xijaabka loo arko dhar muslimiinta leeyihiin haddana waxaa xirta dumar masiixiyiin ah, xor ayayna u yihiin iney xirtaan. Mana loo arko calaamad siyaasadeed ama mid anshax xumo oo barxayo dhaqanka iyo qiyamka reer galbeedka. Marka maxaa laga hurgufayaa oo ku jira xijaabka dumarka muslimiinta. Haddii aad ogtahay iyo haddii kale, xijaabka waxaa xirta dumarka masiixiyiinta ee kaniisadaha ka adeega. Xataa dumarkaas qaarkood waxay ka asturan fiican yihiin dumarka muslimiinta ee xijaabka qaata. Dumarkaan masiixiyiinta ah waxay xijaabku u qaataan sabab diineed, ee ma ahan mid siyaasadeed, cid ku qasabtayna ma jirto. Sidoo kale, dumarka muslimiintana xijaabka waxay u qaataan diin ahaan iyo dhowrsanaan awgeed, ee ma ahan  siyaasad.  Marka su'aashu waxay tahay, maxaa loo weeraraa dumarka muslimiinta, oo aan loo weerarin soorooyinka maxiisiyiinta ee xijaabka xiran? Mise arintu waa "baroorta orgiga ka weyn?"

Aniga waxay ila tahay iney jirto ujeedooyin ka dembeeya weeraradaan. Tan hore waa in dareen cabsi ah lagu abuuro, guud ahaan bulshada muslinka ah, gaar ahaan dumarka iyo caruurta. Cunsuriyiinta waxaay isticmaalayaan, maahmaahda dhaheysa “mas madaxdaa laga dilaa”, ee muslimiinta halaga dilo marwooyinka iyo marrasta si ay u qaxaan. 

Tan labaad, waxaa jira siyaasiyiinta doonaya iney xukunka ku gaaraan cabsi gelinta codbixiyayaasha, iyaga oo ku hadlayo hadalo been ah oo ka dhan ah muslimiinta. Sidoo kale waxay soo saarayaan sharciyo cusub iyo ganaaxyo lagu ciqaabayo dumarka muslimiinta, si arinta looga dhigo “wixii xunba Xaawaa leh” taasna waa cunsuriyad iyo islaam naceyb iska cad.

Tan sadaxaad, waxaad moodaa in la gaaray dhamaadkii taariikhda dimoqaraadiyada, xoriyada iyo ilbaxnimada Yurub. Waxaa kharribmaya, oo sii burburaya qiyamkii iyo dhaqankii ilaalinta iyo difaacida dumarka, caruurta, xoriyada diinta, sinnaanta, dulqaadka iyo ilaalinta xaqa dadka laga tirada badan. In dumarka lagu garaaco wadooyinka Yurub, in dumarka lagu maago dharka ay xiran yihiin iyo in dumarka si xor ah howl maalmeedkooda u gudan waayaan ma ahan wax caadi ka ahaan jiray Yurubta casriga ah. Maanta cadaadiska iyo waxyeeleynta dumarka waxay noqdeen wax lagu tartamo, oo maalin kasta ka dhacda wadooyinka iyo hay’adaha cadaalada waddamada Yurub dhexdooda . 

Marka Yurub waxay qarka u saaran tahay iney dib ugu noqoto dhaqankii fashiistaha ama ay qaado wado ka xun sida tan kooxaha Alqaacida iyo Daacish, oo aan muslin iyo gaal, rag iyo dumar midna aan ciseyn. Haddaba marka uu darbiga dumi rabo, laguma tiirsado ee waa laga fogaadaa. Sidaas daraadeed, darbigii ilbaxnimada iyo xoriyada Yurub waa dumi rabaa ee dumarka iyo caruurta halaga ilaaliyo inta uusan darbigu ku soo dumin.

Hab dhaqankaan cusub ee gacan ka hadal iyo cadaadinta ah, dhab ahaan wuxuu saamayn ku yeeshay dumarka muslimiinta. Aamusnaanta dowladaha iyo ficil la'aanta waxay arintaan ka dhigeysaa  ficil siyaasadeed la isku raacsan yahay, oo lagu faquuqayo dumarka muslimiinta. Waxayna takooreysaa qayb ka mid ah bulshada halkii ay ku dhiiri gelin laheyd dumarka muslimiinta dhaqanka furfuran  iyo is-dhexgalka. Dhinaca kale, waxay guul ama qiil u noqonaysaa kooxaha xagjiriinta ee doonaya in ay xaddidaan xorriyadda haweenka. Waxayna  dib u dhac u keeneysaa jidka horumarka haweenka

Marka haddii la rabo in wax laga qabto weeraradaan ka dhanka ah dumarka muslimiinta waa fududahay, laakiin waxay su'aali ka taagan tahay in siyaasiyiinta Yurub doonayaan iney dhibaatadaan si dhab ah wax uga qabtaan.  Sababtu waxay tahay Islaam naceybka iyo cunsuriyada  waxay ka noqotay Yurub hab dadka lagu abaabulo ama looga jeediyo dhaqaalo xumada iyo fashilaada siyaasada ee gudaha iyo dabada waddamadooda ka jirta. Sanadaha soo socdana islaam naceybku kor ayuu u sii kici doonaa.  Ma ahan inuu ku sii badan doono oo keliya wadooyinka Yurub, laakiin wuxuu ku badan doonaa baarlamaanada Yurub. Sidaas daraadeed, dadka Soomaaliyeed waa iney dumarka iyo caruurta siiyaan ilaalin ku filan, haddii laga fursan waayana in dalkooda lagu celiyo. 

Thursday, September 1, 2016

Ciddaan Nahay


Beryahaan waxaan maqlayay cuqaasha, culumada iyo curaddada cideena oo cabanaayo. Waxay ka cabanayeen Caasimada oo cid matasha ku laheyn aqalka sare. Caruur iyo ciroole waxay ka caroodeen Caasimada cod ma lahan. Arintaanu ma ahan curato diimoon, laakiin waa ansixinta caado hore oo ay cida laheyd. Sidaas darteed la yaab ma ahan cabashada cida iyo in cadkii ay Caasimada laheyd ciida lagu tuuro, laakiin waxaan la cajabay, cida oo ciilkey ka qaaday cod la’aanta Caasimada  cidaha kale carro kala dul dhacay.  

Waxay yiraahdeen, “col baan nahay cashiiroy hadaan Cali Cusmaan sheegto”. Aniga waxaan qabaa, caradu iney gar tahay, laakiin caadifadu ineysan gar aheyn. Sababtu waxay tahay, cida cabaneyso waa unuka, cida laga cabanayo waa unuka, cida loo cabanayona waa unuka. Waxaa intaas dheer, ninka maandeeq caanaha ka maalayo waa cideena, marka cadaalad ma ahan in cuud aan anaga isu diidnay inaan cidaha kale ku caaridno. 

Gabayaa ayaa yiri, “Caammadu waxay moodayaan curasho dayreede. Cilmi felegga way garan raggii caalimka ahaaye. Anigaana meertadda cakiran kuu caddayn karo'e” Nin cideena ah ayaa madax ka ahaa qorista dastuurka dowladii rayidka. Wuxuu saamiga Caasimada la simay eyl iyo isku-shubban, oo lahaa min labo xildhibaan. Waxaase Caasimada ka coddad batay Buulo burde oo laheyd todobo xildhibaan iyo Buur hakaba, oo laheyd lix xildhibaan. 

Waxaan is weydiiyay Dr. Caroone, ma tirida cidaha iyo ciidey degaan ayuusan kala aqoon mise cadowtooyo iyo ciil hore ayuu u qabay cidaha Caasimada caanaha keena, mise cunuq Allaa oge, cantuugo weynoo la helay ayaa cadaalada iyo xaqa cashiirada ilowsiisay?. Sidoo kale, Cali ayaa diiday degmadii ay laheyd cida degta Careysinlow iyo Cadaan laxeey, sagaashameeyaddii, waqtigii uu socday howlgalkii Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya. Xiligaas oo la dhisayay maamulada degmooyinka koonfurta Soomaaliya. Dadkii arintaas ka caroodayna waxay ku shirbeen "dadkaan marna dagaal ku laay, marna degmooyinkoodi diid". Ka dar oo haddana dibi dhal, qowsaarka cusub, isagana tolnimo naguma ciseyn, ee wuxuu qaaday raadka kuwii isaga ka horeeyay. Wuxuu sameeyay qalad ka weyn qaladkii ay sameeyeen canaasiirtii hore, markuu Banaadir buuggaba ka tiray. Si kastaba ha ahaatee, in cunaqabateynta codka Caasimada dusha laga saaro cidaha kale, waxay u muuqataa isku day lagu daboolayo runta. 

Waa muhiim in leys xusuusiyo wixii la soo maray taariikhda si loo saxo waxa la sameynayo waqti xaadirkan iyo mustaqbalkaba. Sidaas daraadeed, waxaan jilayaasha cidda weydiinayaa, haddii cidnimo iyo carradaad degto wax lagu qeybsanayo, ma waadna magac ciddeed ama magac deegaan madasha iyo miiska ku fadhiyin? haddii aysan sidaasi aheyn, adinku cideed u dhalateen oo aad matashaan, mise waxaad tihiin casir degad, aan cidna u dhalan?

Nin afmaal ah ayaa yiri "cindigaa wax fiiriyaa ceynka ay noqone. Curka laguma soo dhego, waxaan kuu cuntamiheyne. Namaan ciifo laheyn baa i dilay calaf-ka-doonkiise. Casho keliya aad maqantahaa cadad ku dhaafaane. Cimrigay ha jiro ee kobtii, Caliyo maan joogo". Aniga carro igama heyso oo keliya Caasimada oo aan cadkeedii la siin, laakiin waxaa caloolyow igu haayo saameynta ay cida ku yeelan doonto Caasimada cod ma lahan. 

Waxaa la yiri, qur'aankii alifka ka habaaba, al-baqra kama hagaago" Sidaasi daraadeed, wixii maanta cida diiwaanka u gala  ayaa beritona calaacasha loo saari doonaa. ee midaas cindiga hala geliyo. Waxaase aniga cindigeyga geli la' cida weli ri'yo caato ah caano ka gujeynayo, oo haddana calaf ku jiro calaacashooda cidaha kale ka goobeyso. Anigu waxaan qabaa meeshii cir laga filayay ayaa caad ka yimid, ee yaan cidaha kale la caarifin, arintaana waa in loo arkaa hashaada ku jebisay. Sidoo kale, waxaa cindigeyga geli la' cido dega carro fog oo cidaha kale ku leh waxaad marti ka tihiin Caasimada, oo haddana cadka Caasimada u quurin ciddii xaqa u laheyn, balse magaca heybta guud ku cataawaya, si loo helo cawil celin yar, oo ay qeyb ka yihiin. Anigu ma qabo in Caasimada cid loo sheegto, mana qabo in Cadaado ka sukeyso Caabudwaaq ama Caluula haddiiba cid u nasab sheeganeyso Caasimada.

Waa run, iney cidaha dega Caasimada tirsanayaan cadaalad daro, waayo waxay ku dulman yihiin saami qeybsiga kuraasta aqalka sare. Inta aan ka warqabana cid laga sugayo iney wax saxo ma jirto. Marka cideena iyo cidaha heybta guud nala wadaaga yaysan carabkooda gaarsiin cidaha kale, ee Soomaaliyeed oo helay xaqooda ama xaqooda wax ka badan. 

Si loo helo cadaalad, sinaan iyo xaq caadil ah waxaa loo baahan yahay in loo istaago sidii isbedel loo sameyn lahaa. Dadku isbedelka way ka cabsadaan sababatoo ah iska caabinta ka dhalan karta awgeed. Taasna waa sababta ay dadka qaarkiis u yiraahdaan cidaa isku dhaceyso iyo cadowga ayaa naga faa'iideysanayo. Tan kale, marka la maqlo isbedel ayaa loo baahan yahay, waxaa cidaha qaarkood moodaan in loo dan leeyahay hogaamiye cidooda ah. Isbedelka ma ahan oo keliya in la bedelo qof markaas xil hayo, laakiin wuxuu noqon karaa in la saxo curfiga iyo caqliga hogaamiyahaas, haddiise uu maqli waayo codka cuqaasha iyo caaqilada bulshada, markaas ayay caanaha ka qubtaan ciil dar qabo awgeed.

Ugu dambeyn, waa mahadsan yihiin dhamaan cidaha aan codkooda naga hagran maarkaan ciilka weyn qabno. Cideena waxaan iyagana looga baahan yahay iney cabashadooda ku muujiyaan hadal, qoraal iyo banaanbax, iyada oo leyska ilaalinayo cunfi iyo cilaaqtan cidaha kale lagu maagayo.

Friday, August 5, 2016

Sida loo caawin karo caruurta qurbaha ku nool

Dhammaan ummadaha dunida, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed, ayaa si joogto ah diiradda u saara muhiimadda uu  leeyahay qoyska, wadajirkiisa iyo dhowrida waxa uu aaminsan yahay qoyska. Talaabada ugu horeysa ee qoyskana waa ilaalinta, korinta iyo barbaarinta caruurta . Waxaan aaminsanahay ma jirto shaqo ka muhiimsan korinta carruurta si ay u noqdaan shakhsiyaad  anshax leh, si loo helo bulsho caafimaad qabta.

Qoysaska Soomaaliyeed markii ay qurbaha yimaadeen waxay la kulmeen nolol iyo hab dhaqan cusub oo aysan hore u aqoon, taasoo  noqotay dhib sidii ay ula qabsan lahaayeen xaalada cusub, dhibka ugu badanna wuxuu soo gaaray caruurta ku dhalatay ama ku kortay waddamada reer galbeedka.

Dhabaatooyinka caruurta soo gaaray waxaay isagu jiraan kuwo bulsho iyo kuwo diinta iyo dhaqanka la xiriira. Caruurta waxay ku wareereen sidii ay ula noolaan lahaayeen bulshada reer galbeedka oo aan laheyn, dareenka xalaasha iyo xaaraanta iyo dhinaca kale,  waalidiinta oo caruurta u sawiraya in dhaqanka reer galbeedku yahay fasaad iyo shar, una sheega iney ka fogaadaan intii suuragal ah. Sidaas daraadeed, waxaa caruurta ku adkaatay sidii ay u ilaalin lahaayeen aqoonsigooda qof ahaaneed iyo sidii ay isagu dheelitiri lahaayeen isku dhafka dhaqammada iyo ku dhex milmida dhaqanka cusub, iyadoo aan laga tegin diinta iyo dhaqankii dhulka hooyo, taasna ma ahan mid u sahlan canug kasta, waayo caruurta waxay wax badan ka bartaan ama  waayo aragnimo ka helaan guriga dibadiisa, waxaana noloshooda saameyn wayn ku leh bulshada, meediyaha iyo saaxiibada ay meel ku wada nool yihiin.

Sidoo kale, caruurta  waxaa ka dhex guuxaya su'aalo badan, oo ku saabsan diinta iyo casriga ay ku nool yihiin. Inta badan su'aalaha ay caruurta qabaan waxay ka yimaadaan waxyaabaha ay ka daawadaan taleefishinada, ama ay ka akhristaan baraha bulshada ama su’aalaha saaxibadooda iskuulka ay weydiiyaan. Su’aalaha ay caruurta qabaan waxaa ka mid ah, Maxay tahay sababta aan muslim u nahay? Maxaan u noqon weynahay sida dadka kale? (macnaha kuwa aan muslimka aheyn). Maxaan u cuni weyn waxa ay cunaan dadka kale? Maxaa loo neceb yahay dadka muslinka ah? Maxay muslimiinta argagixiso u yihiin? Maxay argagixisada u dilayaan caruurta iyo dumarka? Gabdhaha waxaa u gaar ah su’aalaha xijaabka iyo waxa u diidaya guurka wiilasha aan muslinka aheyn.

Ma jirto caruurta cid uga  jawaabta su’aalahaas, sababtuna waxay tahay  waalidka oo aan laheyn aqoon ku filan ama aan u furfurneyn iney ka jawaabaan su’aalaha qaarkood. Marka ay caruurta ku celceliyaan su’aalahana waxay la kulmaan jawaabo sahlan sida, aniga ma aqaano iyo war naga aamus waxaas dhaqankeena iyo diinteeda ma ogolee, taasna waxay niyad jebisaa dareenka caruurta. Caruurtii markii ay dulduleelo badan ka heleen hab dhaqanka waalidiinta, waxay la yimaadaan dariiq kale, oo ay kula noolaan karaan bulshada ay wada nool yihiin, taasoo inta badan khilaafsan waxa ay waalidka rabaan ama rumeysan yihiin. Caruurta waxay noqdeen kuwo ku nool labo nolol oo kala duwan, taasoo ah tan guriga iyo tan dibada. Marka ay guriga joogaan waxay jilaan dhaqanka iyo waxa waalidka aaminsan yahay si ay waalidkood u qanciyaan, laakiin marka ay saaxibadooda la joogaan, waxay ku dhaqmaan waxa ay nolosha ka aamin yihiin.  Waa muuqataa in caruurta waddamada reer Galbeedka ku nool in aysan badankood raaci doonin dhaqanka iyo diinta waalidkood haddii aysan waalidiinta wax ka bedelin hab dhaqankooda.  

Haddaba su’aashu waxay tahay, maxaa ka qaldan waalidka Soomaaliyeed? Sideese lagu caawin karaa caruurta, si ay u noqdaan Soomaali iimaan leh, oo muwaadiniin wanaagsan ka noqda waddamada ay ku nool yihiin?

Waxa xusid mudan, iney waalidiinta Soomaaliyeed ilmaha ka qaadaan xoriyada diinta, tan lahaanshaha gaarka ah, tan doorashada guurka iyo xoriyada doorashada qaab nololeedka kale ee ay doonayaan, taasna waa waxa abuuray ismaandhaafka maanta ka dhex taagan caruurta iyo waalidka. 

Waalidiintu waxay xaq u leeyihiin, sidoo kalena mas'uuliyad ka saaran tahay iney caruurtooda baraan waxa ay aaminsan yihiin, laakiiin xaq uma laha iney caruurta ku qasbaan diin aysan ku qanacsaneyn ama dhaqan aysan aaminsaneyn inuu wax ka tarayo noloshooda Waalidiintu waa iney ogaadaan in caruurtooda ku dhaqmayaan waxa ay caruurta kale ama saaxibadooda sameynayaan, suuragalna ma ahan iney ku barbaaraan waddamada reer Galbeedka iyaga oo iska indha tiraya dhaqanka ku wareegsan. Sidaas daraadeed, caruurta waxay ku korayaan dareenka xornimada diinta iyo in qofku doorto sida uu isagu u noolaanayo, taasna waa geesiyo weyn, oo aysan waalidiinku ka helin dhulka hooyo. Waan ognahay ma jiro waalid doortay inuu muslin noqdo ka dib markuu ku qancay diinta, laakiin bulshada ayaa ku shaabadeysa diinta waalidkiis heysto, xataa haddii uusan ku qanacsaneyn. 

Sida runta ah hab dhaqankaas kama shaqeynayo Gableedka, waayo caruurtu waxay ku nool yihiin casri wax kasta  laga doodi karo saxsanaantooda. Sidaas daraadeed, ma jiro waalid ogaan kara sida ay caruurtiisu isu bedeleyso, inta badanna ma jirto caruur samayso ama marto jidka waalidkood. Inkastoo ay waalidiintu jecel yihiin inay caruurtooda  ku dayato iyaga.

Si ku dayasho waxtar leh loo helo, waxaa loo baahan yahay in Waalidku iska ilaaliya dembiyada iyo xadgudubka, ka dibna guto waajibaadka iyo mas'uuliyaadka kale.  Haddii waalidku ay ka buuxdo farxad, jacayl, iyo xamaasada iimaanka iyo dhaqanka wanaagsan, sidoo kale carruurta waxay qaadanayaan mas’uuliyadooda, iyaga oo ku dayanaya waalidka, waayo sida waalidka ugu dhaqmo waxa uu rumeysan yahay ayaa ka  muhiimsan waxa uu u sheegayo caruurta.

Sidoo kale. waxaa loo baahan yahay in waalidku fahmo waaqaca ay caruurta  ku nool yihiin, isaga oo dulqaad u yeelanayo hab dhaqanka cusub ee caruurtooda. Sidaas daraadeed, waa in waalidku dhageysto su'aalaha caruurta, kana jawaabo inta suuragal u ah, wixii uu garan waayana, waa inuu la kaashadaa cid uga aqoon badan. Waa in aan la dhibsan ama la quursan su'aalaha caruurta. Waa in la ixtiraamo, oo si dhab ah loo qaato su'aalaha iyo dareenka caruurta , si aysan caruurta u dhuminin kalsoonida ay waalidka ku qabaan. Waxaa intaas dheer, waa in lala sheekeysto caruurta, si loo ogaado baahiyahooda gaar ah.

Waalidiin badan ayaa isticmaalaa erayo diini ah iyo kuwo dhaqan si ay u xakameeyaan khilaafaadka iyaga iyo caruurtooda. Waxay isticmaalaan erayga waa ceeb iyo waa dembi. iyaga oo aan si buuxda ugu sharaxi karin sababta ay ceeb ama  dembi u tahay ama iyaga oo aan ogeyn waxa ay caruurta qurbahada ku kortay u yaqaanaan ceeb ama dembi. Illaah oo loo isticmaalo in lagu xakameeyo caruurta, waxay keentaa in caruurta u arkaan Ilaah, mid iyaga rabitaankooda ka soo horjeeda, taasina waxay u muuqataa mid aan dhiseynin xiriirka ka dhexeeya caruurta iyo Ilaah.

Waxaan xusuusta sheeko uu ka sheekeeyay Cabdiraxmaan Yabarow, madaxa idaacadda VOA, laanteeda afsoomaaliga. "Wuxuu yiri, canug yar ayaa hooyadiis ka codsaday iney u soo gado ey, maadaama saaxibadiisa iskuulka eeyo leeyihin. Hooyadii ayaa ugu jawaabtay, anaga waxaan nahay muslim, eeyahana waa xaaraan. Canugii isaga oo aan qanacsaneyn ayuu iska aamusay, laakiin maalmo yar ka dib wuxuu helay fikrad ula muuqatay inuu hooyadiis ku qancin karo. Wuxuu canugii yiri, hooyo aniga ma rabo eeyaha gaalada, ee waxaad ii soo gadaa ey muslin ah. Ka dib hooyadi ayaa ku dhahday, war naga aamus ey muslin ah ma jiree, Ilaahna ma ogola in eeyaha la taabto". Hooyadii wiilka meeshii ay ka amaani laheyd hal abuurnimadda canugeeda, waxay canuga u sawirtay inuu yahay nacas su’aal xun, dhinaca kalena waxay canuga tustay, cida wax u diidan inuu yahay Ilaah, waayo haddii Ilaah ogolaan lahaa taabashada eeyaha, canuga waxaa loo soo gadi lahaa ey qurux badan.

Waxaa loo baahan yahay in la yareeyo in la yiraahdo Ilaah aya yiri, Ilaah ma ogala iyo wixii la mid ah, taas bedelkeedana waa in ilmaha si kale loo qanciyo, dhinaca kalena waa in loo soo dhaweeyaa Ilaah, oo loo sheegaa inuu iyaga jecel yahay. Sidoo kale, waa in la dhiiri geliyaa caruurta si ay u yeeshaan shaqsiyad xoogan, si ay u xaliyaan go’aanada iyo waxyaalaha ka horyimaanaya, haddii kale waxay ku koraan shaqsiyad daciif ah, taasoo aakhirka keeni karta iney ku caasiyoobaan waalidka, iyo laga yaabee xataa diintooda.

Ugu dambeyntii,waalidku waa inuu garab istaagaa caruurta si ay u horumariyaan shaqsiyadooda, uguna faanaan cida ay yihiin. Taasna waxay keeni kartaa in caruurta ku dhegaan qiyamka iyo mabaadi'da uu qoysku aaminsan yahay.

Monday, July 4, 2016

Maxaa ka jira eedaha loo tirinayo Muslimiinta iyo cabsida reer Galbeedka?

Inta ka badan hal milyan oo soogalooti iyo qaxooti isagu jira ayaa soo gaaray Yurub sanadkii 2015-kii, kuwaasoo aad uga tiro badan dadkii caadi ahaan iman jiray waddamada Yurub sanadihii ka horeeyay. Heerka qulqulka qaxootiga wuxuu ahaa mid sii siyaadayay marba marka ka dambeyso. Sababaha ay dadkaan u imaanayeen waxaa ka mid ah dagaalada ka jira waddamadooda, saboolnimada iyo xadgudubyada xaquuqda aadanaha oo ku sii badanaya meelaha ay ka soo cararayaan. Dadkaan waxay raadinayaan rajo, amaan iyo nolol cusub. 

Dhinaca kale, marka laga soo tago kuwa cusub, waxaa jirto cabasho laga cabanayo culeyska dhaqaale, amaan daro iyo dhaqan ee lagala kulmayo qaxootigii hore u joogay. Sidaas daraadeed, iyadoo lagu kala qeybsan yahay in qaxootiga la soo dhaweeyo iyo in kale, haddana habdhaqanka xaqootiga Muslimiinta ma ahan mid u hiilinayo in laga soo dhaweeyo waddamada Yurub, waayo, Muslimiinta badankood waxay ku dhaqmaan wax ka duwan waxa ay rumeysan yihiin. Sidaas daraadeed, Muslimiinta marka ay waddamada reer Galbeedka soo galeen waxay la yimaadeen diinta islaamka oo lagu barxay dhaqankooda, ka dibna waxyaabaha ay reer Galbeedka ka barteen dhaqanka Muslimiinta waxay noqdeen, argagaxisanimo, ma shaqeystanimo, ku xadgudubka nidaamka ceymiska bulshada, dumar garaacida, gudniinka gabdhaha, kufsiga iyo dembiyo kale oo badan. Waxyaabahaana waa waxa dhaliyay in reer Galbeedku su'aal ka keenaan in lala noolaan karo dad ay diintooda iyo dhaqankooda uu sidaan yahay.

Haddaba su'aashu waxay tahay, maxaa ka run ah eedaha loo xambaarinayo qaxootiga Muslimiinta iyo cabsida reer Galbeedka?
Qoraalkan ma ahan mid Muslimiinta looga soo horjeedo ama loogu hiilinayo reer Galbeedka, balse waxaa la yiri "gari Alley taqaanaa" sidaasi daraadeed, waxaa muhiim ah in la qiro iney wax ka jiraan eedaha qaarkood iyo cabsida ay qabaan reer Galbeedka, sababahan soo socda awgood.  

Muslimiinta u soo haajirtay reer Galbeedka waxay badankooda ku nool yihiin xaafado isku raran ah. Xaafadahaas oo tayada nolosha iyo adeegyada bulshada ay aad ugu liitaan. Xaafadaha qaarkood, waa ku adag tahay iney galaan hay'adaha adeega bulshada iyo kuwa dowliga ah. Waxaa la dhagxiyaa booliska, ambalaasta iyo kooxaha dabdemiska. Inta badan xaafadahan waxaa si dadban uga taliya oday dhaqameedyada iyo imaamyada masaajida, wixii dhacana waxaa lagu dhameeyaa xeer jajab iyo shareecada islaamka bedelkii maxkamadaha waddamada ay ku nool yihiin. 

Xaafadaha qaarkood, basaska waxaa "mukulaal madow" ka ah odayaal ajnabi ah oo amaanka ilaaliya, halka xaafadaha qaar ay xoreysteen kooxo gaangis ah, oo caba qamriga, sidoo kalena isticmaala daroogada iyo ka ganacsigeeda, kuwaasoo geysta dilal, dhac, iyo kufsi, mararka qaarkoodna iyada dhexdooda koox koox isu dila. Waxaana hab dhaqankaan foosha xun kaga dayday caruur ay dhaleen dadkii wax marti geliyay. 

Eedaha loo tirinayo Muslimiinta intaas kuma eka, waxaa ka mid ah, waxay isticmaalaan luqadahooda, dharka xijaabka ah iyo cuntada xalaasha ah, iyaga oo dhinac iska dhigaya wixii la xiriira dhaqanka reer Galbeedka. Meelaha qaar, waxay leeyihiin iskuulo iyaga u gaar ah iyo masaajidyo qaarkood lagu maalgeliyay lacagta canshuur bixiyayaasha waddamada martida geliyay, waxaana ka soo aflaxa goobahaas caruur gaangis noqota iyo dhalinyaro cabsan fikirka jihaadiga, kuwaasoo abaalkii soo dhaweynta iyo deeqsinimada ku bedelay colaad iyo naceyb ku wajahan dhaqanka iyo waxyaabaha ay qiimeeyaan dadka ay martida u yihiin. 

Tan kale, Muslimiinta ma dhex galaan bulshaweynta kale ee cadaanka ah, iyaga dhexdooda ayaa qowmiyad qowmiyad isku guursada. Iyaga oo Muslimiin wada ah, haddana waa dhif iyo naadir inaad aragto qowmiyad ka guursaneyso qowmiyad kale, halka wada tumashada aysan ku xirneyn qowmiyad. Waxaa intaas dheer, waxay jebiyaan sharciyada dowladaha martida geliyay, waxayna qiyaamaan lacagta ceyrta, iyagoo iska dhigaya Muslimiin diinta ku dhegan. Marka eedaha loo tirinayo Muslimiintu waa kuwo xaqiiqo ah inkasta oo aysan boqolkiiba boqol aheyn. 

Dhinaca kale, cabsida ay qabaan reer Galbeedka ayaa ah haddii Muslimiinta ku soo bataan waddamadooda, iney ka hirgelin karaan mabaadiidooda islaamiga ah iyo dhaqankooda fowdada ah, iyaga oo codsan doona mudnaan dheeraad ah sida in wax laga bedelo sharciyada qaar ama la soo rogo sharciyo dadka aan Muslimka aheyn ku qasbi kara iney wax ka bedelaan hab nololeedkooda ama ka guuraan xaafadaha ay Muslimiinta ku badan yihiin. Tusaale, sanadihii ugu dambeeyay meelo Galbeedka ka mid ah, Muslimiinta waxay dalbanayeen shrciyo iyaga u gaar ah sida, sharciga furiinka islaamiga ah, in imaamyada loo ogolaado iney casharo islaami ah siiiyaan caruurta Muslimiinta ee dhigata dugsiyada dowlada iyo in gabdhaha iyo wiilasha la kala saaro marka ay qaadanayaan casharada jinsiga, dabaasha iyo jimicsiga. 

Waxaa intaas dheer, waxay soo rogi karaan sharciyo dembi ka dhigaya waxyaabaha ay ku madadaashaan reer Galbeedka sida, cabidda qamriga, muusikada, iyo ciyaarida noocyada kale duwan ee qamaarka. Sida taariikdu muujineyso, Muslimiintii u soo haajirtay magaalada Madiina, waxay sameysteen sharciyo iyada u gaar ah, shan sano ka dibna waxay Madiina ka eryeen Yahuudii hore u deganeyd, markii ay wada noolaan waayeen labadii dhaqan. Taasi waxay tusaale u tahay in wixii hore u dhacay ay soo noqon karaan mar kale. 

Tan ugu daran, Muslimiinta waxay gacmahooda ku qaadan karaan shacriga, iyaga oo dilaya kuwa caaya ama dhaleeceeya waxyaabaha ay rumeysan yihiin. Waxaa arintaas ka marqaati kacaya, waxaa la yiri "abeeso dhul u eki ayay kugu dishaa" inta badan qaraxyada ka dhacay meelo badan oo Yurub iyo Mareykanka ka mid ah waxaa fuliyay dhalinyaro ku dhalatay ama ku kortay waddamada reer Galbeedka, kuwaasoo laga filayay iney wax wanaagsan ku soo kordhiyaan waddamada soo korsaday, taasi bedelkeedana waxay arintii noqotay "ninkii barbaarshay baahal nool ka baxsay ama boqna goy". Taasna waa waxa keenay cabsida iyo kala shakiga maanta jira. 

Sidaas daraadeed, kororka Muslimiinta iyo kala qoqobnaanta bulshada oo sii siyaadana waxay keeni kartaa dagaalo sokeeye. Taasna ma burburineyso oo keliya ilbaxnimada, xorriyada, iyo dimuqraadiyadda reer Galbeedka balse waxay muwaadiniintooda ka dhigeysaa muwaadiniin heerka labaad ah, oo ku takooran waddamadooda, natiijadana waxay noqon kartaa musiibo, wadanka wax marti geliyayna u keenta khasaaro. 

Haddaba, reer Galbeedka waxaa xal u noqon karta iney qaxootiga Muslimiinta ku celiyaan waddamadii ay ka yimaadeen. Muslimiinta waxaa iyagana xirsi xir u noqon karta iney labo mid uun yeelaan. Iney ka baxaan diinta islaamka, oo ay u hogaansamaan fikirka reer Galbeedka. iyagoo dhagaha ka fureysanaya hanjabaadaha aakhiro, haddii kale waa iney ku laabtaan waddamadooda, waayo, kuma noolaan  karaan labo wejileyn iska cad, iyaga oo raba dheefta reer Galbeedka, dhinaca kalena dhibsanaya dhaqanka reer Galbeedka. 
Marka waa iney ku laabtaan waddamadooda oo ay ku dhaqmaan shareecada islaamka, si ay  u tusaan in dhaqankooda iyo diintooda ka wanaagsan tahay hab nololeedka reer Galbeedka, waayo suuragal ma ahan shareecada islaamka oo ay ka fulin waayeen waddamadooda iney ka fuliyaan waddamada reer Galbeedka, in taas lagu riyoodo waqtigaana waxay noqoneysaa waali cad.  

Sunday, June 5, 2016

Wada noolaanshihii dhaqamada iyo diimaha kala duwan oo khatar ku jirta

iska horimaadyada iyo khilaafaadka ummadaha sida caadiga ah waxay yimaadaan marka ay isku dhacaan danaha kala duwan ee aadanaha, kuwaasoo ku wada nool hal wadan ama hal magaalo, waxaana sababa arrimo siyaasadeed, kuwo diineed ama kala duwanaansho xagga nolosha iyo dhaqanka ah. Arrimahaan waxay abuuraan in bulshooyinkii mudada dheer soo wada noolaa, ee deriska iyo saaxibada ahaa ay wada noolaan waayaan, ka dibna qaar laga ceyriyo wadan ay ku dhasheen ama ay ku soo koreen, kaasoo ay rumeysan yihiin inuu yahay wadankooda.

Waxaa la yiraahdaa "taariikhdu dadkey rabtaa dunida waayaheeda", hadaba haddii aan dib u milicsano taariikhda bulshooyinkii laga soo ceyriyay wadan ay dhismihiisa iyo horumarkiisa wax ku lahaayeen, waxaan tusaale u soo qaadan karnaa, dad badan oo Yahuud iyo Muslimiin ah ayaa laga soo ceyriyay ama lagu dhibaateeyay meelo badan oo ka mid ah Yurub, Aasiya iyo Afrika. Kuwa ugu xusuusta badan waxaa ka mid ah xasuuqii Yahuuda loogu geystay Jarmalka iyo cadaadiskii iyo ceyrintii lagula kacay Muslimiintii ku nooleyd Isbeyn. Wadanka Isbeyn xataa waxaa la ceyriyay dadkii asalkoodu ahaa Muslimiinta laakiin qaatay diinta masiixiga, iyadoo lagu qoonsaday dhaqankooda oo ka duwan bulshadii ay la noolaayeen iyo iney khatar ku noqon karaan waxa loogu yeeray nabad gelyada qaranka. 

Meelaha dad Muslimiin ah laga soo ceyriyay ma ahan oo keliya waddamada reer galbeedka, wadanka kuweyd waxaa si toos ah iyo si dadban looga ceyriyay dad badan oo Falastiiniyiin ah, ka dib dagaalkii Ciraaq ku qabsatay Kuweyd. Dadkaan Falastiiniyiinta ah waxaa lagu maagay oo keliya, hogaamiyahooda Yaasir Carafaat ayaa taageeray Saddam Xuseen oo qabsaday Kuweyd. Markii Kuweyd la xureeyay ka dib, waxaa dadkaan loo geystay dhibaatooyin badan oo isagu jiray jirdil, biliqo iyo in shaqooyinka laga ceyriyo, taasoo loogu sii daray in ciqaamadaha iyo dhalashada muwaadinnimada lagala noqdo.

Dhacdo tan hore la mid ah, wadanka Yugaandha, markii uu talada la wareegay Al-xaaji Amiin Daada, waxaa laga eryay dad badan oo Aasiyaan ah, oo isagu jiray Muslimiin iyo kuwo diimo kale haystay. Qaar dadkaan ka mid ah waxay ahaayeen kuwo iyaga iyo aabayaashood ay ku dhasheen Yugaandha iyo kuwo haystay dhalashada Yugaandha. Waxaa intaas dheer, dadkaan wax mas'uuliyad ah kuma laheyn sababta loo ceyrinayay, qaar badan oo ka mid ahna ma rumeysneyn iney leeyihiin wadan kale oo aan ka aheyn kan laga ceyrinayo. Dadkaan waxaa lagu sanifay oo keliya meesha uu asalkooda ka soo jeeda iyo xagga dhaqaalo sameynta oo ay ku wanaagsanaayeen awgeed.

Is naceybka iyo is yasida waa dhaqan dadka lagu yaqaan, waxaase baasiinka ku shuba siyaasiyiin xukun doon ah iyo wax magarato dan gaaban leh. Maanta Yurub iyo meelo badan oo dunida ka mid ah waxaa halis ku jira wada noolaanshada dadka haysta diimaha iyo dhaqamada kala duwan. Halistaasna waxay ka imaaneysaa dhinacyo kale duwan, sida dhalinyada xambaarsan fikirka jihaadiga, kuwaasi oo weeraro ka geysanaya meelo badan oo dunida ka mid ah, gaar ahaan reer galbeedka. Qaraxyada iyo dilalka ay geystaan kooxahan xagjiriinta ahna waxaa laga dhigaa dhibaato ay wada geysteen Muslimiinta. Xisbiyada xagjiriinta midigta fog ee Yurub ayaa ah halis kale, kuwaasoo ah shisheeye diid, siyaasadahooda ay ku saleysan yihiin caadifad iyo naceyb wada socda, iyagoo naceybkaasna u isticmaalaya wado ay ku gaaraan xukunka. Sidoo kale, cilmaaniyiin edebdaran oo aan xilkas aheyn ayaa kiciya xiisado iyo is naceyb ay dad ku dhintaan, iyagoo ciyaar ka dhigta waxyaabaha ay qiimeeyaan dadka wax rumeysan. Kooxahan gefka badan ayaa ku dooda in fikirka xorta ah iyo xoriyada hadalka uu xaq u siinayo iney caayi karaan cidii aysan ka baqeynin. 

Sidaas daraadeed, fikirka ah in qofkasta heysto diintiisa iyo dhaqankiisa haddana la wada noolaado, iyadoo qofkasta lagu ixtiraamayo waxa uu rumeysan yahay waxaa soo food saartay halis, mana muuqato sidii lagu badbaadin lahaa. Tusaale, Soomaalida iyo Muslimiinta u soo haajirtay waddamada reer Galbeedka waxaa in mudo ah ku socotay gardaadin "saan yeelo yeel saanteyda raac" taasna waa shaqeyn weysay, waxaana ka marqaati furay in fikradaani guuldareysatay Angela Merkel iyo David Cameron, oo ah madaxda waddamada Jarmalka iyo ingiriiska, oo sheegay in fikrada wada noolaanshaha dhaqamada iyo diimaha kale duwan ay burburtay. Waxay yiraahdeen dadka Muslimiinta waxaa looga baahan yahay iney qaataan dhaqanka reer Galbeedka ee ku dhisan hab nololeedka furfuran ee diin la'aanta ah. Marka su'aashu waxay tahay, maxaa dhici kara haddii Soomaalida qaadan waayaan dhaqanka iyo hab nololeedka reer Galbeedka?

Waxaa iska cad iney xisbiyada xagjiriinta Yurub ay si gaar ah u weerarayaan Soomaalida, kuwaasoo hada noqday bartilmaameed jilicsan, oo qofkasta uu naceybkiisa kala dul dhaco. Marka waxaa dhici karta waxyaabo badan oo Soomaalida jecleysan. Waxaa sii xoogeysan doonta xeeladaha iminka la isticmaalo ee lagu argagax gelinayo kuwa Yurub ku nool iyo kuwa u soo socda. Xeeladahaas waxaa ka mid ah in la beegsado jaaliyadaha jilicsan sida Soomaalida, iyadoo laga qaadanayo caruurta si loo argagax geliyo oo ay uga cararaan wadanka ay markaas ku nool yihiin, tusaale, Soomaali badan ayaa ka guuray Holland iyo Norway, iyaga oo caruurtooda u baqaya, markii ay waddamadaas ku soo badatay cunsuriyada, waxayna badankooda u guureen wadanka ingiriiska, inkasta oo Yurub hadda cudurka cunsuriyada is wada qaadsiisay. 

Wadanka Iswiidhan waxaa laga maasufinayaa dad gaarayo sideetan kun oo qof, oo ah dadka ku guuldareystay iney helaan sharciga magangalyo doonka, dhinaca kale, waxaay soo saareen sharciyo ad'adag oo lagu yareynayo soogalootiga. Sidoo kale, Norway, waxaa hore u jirtay in la masaafuriyo dadka magangelyada loo diido iyo kuwa galay dembiyada, balse waxaa hadda soo siyaaday in Soomaalida lagala noqdo sharciyada iyo dhalashadii ay hore u heysteen, waxa lagu maagayona waa heyntooda iyo hab nololeedkooda oo ka duwan bulshoweynta kale. 

Jaaliyadaha aan ku milmin ama aan dhexgelin dadka ay u yimaadeen ma ahan Soomaalida oo keliya, balse waxaa inta badan la dabagalaa Soomaalida, waxaana dhici karta marka cabsida badato in qaar dadka ka mid ah iney bedelaan diintooda iyo dhaqankooda, si ay Yurub u sii joogaan, iyada oo aan la hubin iney xataa taas ku badbaadi doonaan. 

Haddii tan hore ay u shaqeyn weyso, waxaa xigi doonta in si cad dadka loogu sheego iney si iskood ah isaga baxaan waddamada Yurub iyaga oo la siinayo taageero dhaqaale. Habkaan uu qofku si iskiis ah ugu laabanayo wadankiisa horeba waa uga jirtay waddamada qaar, laakiin waxaa loo isiticmaali jiray oo keliya dadka codsiyadooda magangelyo doonka la soo diido, waxaase hadda dhici karta in qorshahaan la balaariyo iyo in dadka si wadar ah loo eryo iyada oo aan loo eegeynin qof ku dhashay Yurub iyo qof yimid ama qof sharci leh iyo qof aan sharci laheynba. 

Tan ugu daran, nasiib ayuu yeelan doonaa qofka la masaafuriyo ama la yiraahdo si nabad ah isaga bax, iyada oo aan wax la yeelin, laakiin waxaa dhici karta in dadka lagu qasbo iney isaga baxaan Yurub, taasoo ay ka dhalan karto tacadi iyo xadgudubyo badan, oo ah in qofka laga qaato hantidiiisa gaarka ah ama caruurtiisa xoog looga qaato ama naftiisa waxyeelo loo geysto. Marka waa muuqataa in wada noolaanshihii inuu god ku soo dhacayo, waxaana muhiim ah in la yeesho dareen iyo feejignaan badan, caruurta iyo dadka kale ee laga mas'uulka yahayna waa in loo sheego isbeddelada dhacayo iyo xaqiiqooyinka jira. 

Ugu dambeyn, Alle dabeecad uma ahan inuu sida boolis u soo fara geliyo marka uu dhib dhaco isaga oo haddana awooda, taasna waa dhaqan uu dadku leeyahay. Marka maanta Soomaalida waa bartilmaameedka jilicsan ee cunsuriyiinta, sidaas daraadeed, waxaa Soomaalida la gudboon iney go'aan ka gaaraan dhaldhalaalka Yurub yaal iyo badbaaddada naftooda midka ay u hiilinayaan, waayo waxaa lagu jiraa xili ummadaha kala dhaqanka iyo diimaha duwan ay u dhaxeyso is naceyb iyo is yasid ba'an.


Sunday, May 1, 2016

Ma Tahay Waqtigii Ay Soomaalida Dib U Laaban Laheyd?

Waxaan sadaxdii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa wadan ka mid ah waddamada Yurub. Waxaan rabaa inaan ka hadlo mustaqbalka aan deganeyn ee Soomaalida ku nool waddamada Reer Galbeedka.

Soomaalidii ugu horeysay waxay wadamada Yurub yimaadeen qarnigii 19 aad, iyagoo ku yimid siyaabo kala duwan. Qaar waxay ahaayeen badmaaxiin, halka qaarna ay ahaayeen askar ka dhinac dagaalameysay ciidamada gumeystaha ee Talyaaniga iyo Ingiriiska intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, ka dibna markii dagaalkii dhamaaday waxay ku sii nagaadeen magaalooyinka waaweyn ee waddamadaas si ay ugu shaqeystaan.

Dadkaan waxaa ku xigay arday waxbarasho u yimid Yurub iyo Mareykanka xiligii xurnimo adoonka iyo markii xuriyada la qaatay ka dib. Qaar ka mid ah ardaydaan ayaa Yurub iyo Mareykanka deegaan ku noqday oo shaqooyin ka helay markii ay waxbarashadoodii dhameysteen,ka dibna noqday muwaadiniin ka tirsan wadamadaas.

Intii u dhexeysay sideetameeyadii iyo sagaashameeyadii qaxooti iyo magangalyo-doon tiro badan oo Soomaali ah ayaa yimid Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, iyagoo ka soo cararay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka socday. Waxaa dadkaan lagu soo dhaweeyay jaceyl, niyad wanaag iyo deeqsinimo.  

Waxaad hadda moodaa in sodon sano ka dib xaalada sidii ay aheyd iney wax iska bedeleen sababo ay ka mid yihiin, qaraxyadii Paris ka dhacay, qulqulka qaxootiga faraha badan ee Yurub soo gelayo, shaqo la'aanta iyo hoos u dhaca kobaca dhaqaalaha wadamadda Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ka jira, taasoo keentay in dadka reerka galbeedka cusbooneysiiyaan dareenkooda ku aadan qaxootiga muslimka u badan ee dalalkooda soo galaya.

Hore waxaa u jiray  gacan bidixeey iyo cunsuriyad aamusan oo lagu hayay Soomaalida waddamada galbeedka ku nool. Hadda waxaa soo kordhay ayaa ah neceyb siyaado ah, dilal, iyo aflaado bareer ah.

Waxaan maqalnaa wiil ama gabar soomaaleed oo la dilay, hooyo caruurta laga qaatay, gabar xijaabka lagu ceejiyay,  xarun jaaliyadeed ama masaajid waxyeelo loo geystay ama qoys soomaaliyeed oo guriga lagu gubay.

Sidoo kale, waxaan taleeshinada ka daawanaa banaanbaxyo rabshado wata oo lagu diidan yahay soogalootiga, meelaha qaxootiyada la dejiyo oo la gubayo iyo siyaasiyiin xagjir ah iyo kuwa xisbiyada garabka midig oo ku hadlayo erayo naceyb uu ka buuxo iyo weliba hanjabaadyo ka dhan ah qaxootiga ku sugan waddamadooda iyo kuwa ku soo socdaba.  

Waxaa laga yaabaa in  dad badan aysan ila qabin dareenkan dhiilada xambaarsan, haddana waxaa jira dhibaatooyin badan oo ay la kulmeen qoysas iyo shaqsiyaad Soomaaliiyeed.  Haddii aan wax yar idin la wadaago dhacdooyinka xanuunka iyo caloolxumada leh ee la diiwaan geliyay.

23 Oktoobar 2015, Axmed Xasan oo ahaa 15 jir, ayaa lagu dhex dilay  iskuulkii uu dhiganayay oo ku yaala magaalada Trollhätten, ee waddanka Iswiidhan. Axmed waxaa seef ku dilay nin cadaan ah oo xagjir ah oo aaminsan fikirka Naaziga iyo isir naceybka dadka soo galootiga.ah.

Sidaa kale,  weerarkaas waxaa ku dhintay nin macallin ah iyo arday kale, oo labadooduba ahaayeen ajaanib. Xataa booliisku wuxuu dilkaan ku tilmaamay ficil cunsurinimo ah.

Isla Iswiidhan, Sumaya oo ah 23 jir, degan magaalada Gävle, ayaa lagu dhex garaacay baskii ay saarneyd gudihiisa, 23 Maajo 2014, iyadoo weliba aflagaado loogu daray.

Seynab Axmed, oo deganeyd Oslo, ayaa waxaa toogtay booliska Norway 19 Septembar 2015, iyadoo taagneyd gurigeeda hortiisa. Isla Norway, 27 Oktoobar 2015, waxaa qoys Soomaaleed oo deganaa magaalada Ulstein lagu gubay gurigii ay deganaayeen, nasiib wanaag ma jirto cid wax ku noqotay falkaas.
Wadanka Kanada, magaalada Alberta, waxaa lagu dilay 13 Febaraayo 2015 Mustafe Faarax Mataan, isaga oo joogay gurigiisa. Waxaa la soo garaacay albaabka guriga, ka dibna waxaa albaabka looga dusiyay rasaas markii uu furi rabay albaabka.

31 Abriil 2015 waxaa la dilay Maxmed Xuseen oo ahaa 19 jir denagaa bariga London. Sida la sheegay,waxaa dilay kooxo aan heybtooda la garaneynin,

Daahir Axmed iyo Tahani Cabdi ayaa la toogtay 12 Apriil 2014, iyaga  ku dhex jira gaarigooda oo marayay waddada South Lake Street ee magaalada Mineapolis. Dilka labadaan ruux ayaanan cidna loo baqanin.  

Qaarka ka mid ah waddamada ay Soomaali u qaxday, waxaa si xeeladeysan lagu qaatay caruur badan oo Soomaaliyeed, waxaana caruurtaas lagu wareejiyay dad aysan isku dhaqan iyo isku diinba aheyn, Qaar caruurta ka mid ah ayaa lagu wareejiyay ragga isu galmooda iyo haweenka isu galmooda.  

Dhacdo la wariyay 30 September 2014, Nejma Cali oo degan wadanka Ingiriiska ayaa laga qaaday todobo caruur ah. Waxaana caruurteeda lagu wareejiyay qof aan muslim aheyn. Aabe Naasir Maxamed oo degan Iswiidhan ayaa bishii Luuliyo 2013 waxaa laga qaatay lix caruur ah oo ay ku jirto gabar yar oo 2 bilood jirto, hooyadii dhashay caruurtana waxaa la dhigay xabsiga.

Sidoo kale, wadanka Norway, 16- 03- 2014, waxaa hooyo iyo aabe wadanka ku cusub laga qaatay 4 caruur ah oo ay dhaleen. Hooyada iyo aabaha oo lagu magacaabo Fahma Daahir, halka odayga reerkana lagu magacaabo Maxamed. Waalidiintaan ayaa caruurta laga qaatay loo raaciyay in xabsiga la dhigo, inkastoo Fahma oo ah hooyada caruurta la soo daayay goor dambe. Norway ayaa ah meesha caruurta ugu badan ee Soomaalida lagu qaato.

Haddii aad dareensan tahay iyo haddii kale, maanta ma jirto waqti ay kaga baahi badan tahay Soomaalida qurbaha ku nool in lagu baraarujiyo dareenada jira iyo xaaladaha aan leysku haleyn karin ee ka jira waddamada ay ku nool yihiin.

Waxaan isweyddiiyay su'aal ah Soomaalidu ma u muuqataa khatartaas?  Ma tahay waqtigii ay Soomaalida ka guuri lahaayeen waddmada reer galbeedka?  Waxaan kale oo isweydiiyay su'aal ah Soomaalidu ma leedahay hay'ado difaaca ama dowlad samatabixisa haddiiba ay wax dhacaan?

Runtii Soomaalida qurbaha ku nool waxaa ku  soo wajahan waqti madow, dadkuna ma sii wada karaan iney iska indhatiraan khataraha ay ku dhex nool yihiin iyo kuwa soo socda.

Waan ogsoonahay in dad badan aysan soo dhaweyneynin guuritaan ama dal ku noqosho waqti xaadirkaan. Sidoo kale, waxaan ogsoonahay iney adag tahay inaad ka guurto meel aad nolosheeda la qabsatay, una guurto meel cusub, haddana waxaa xaqiiqo ah in haweenka, caruurta iyo dadka waayeelka ah aysan laheyd doorasho kale.  

Waxaan aaminsanahay in Soomaalida iyo soogalootiga muslimka ah aysan musqabal ku laheyn Yurub iyo waqooyiga Ameerika, waayo waxaa adkaan doonto in la wada noolaado mustaqbalka dhow.

Akhristow adiga ma kuu muuqataa khatartaan, haddiise ay kuu muuqato maxaa la gudboon iney Soomaalida sameyso?